Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 oo u kuur-galayay xaqiijinta Amniga Caasimadda iyo daafaheeda ayaa waxa uu kormeer ku tagay duleedka Degmooyinka Heliwaa, Daarusalaam iyo Dayniile ee Magaalada Muqdisho.
Duqa Muqdisho oo uu wehliyay Taliyaha Nabad-sugidda Gobolka Banaadir Md. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐟𝐚𝐭𝐚𝐚𝐱 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫 (𝐒𝐡𝐚𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐞) ayaa inta uu ku guda jiray kormeerka waxa uu la kulmay isla markaana warbixino ka dhageystay Maamulada Degmooyinka Heliwaa, Daarusalaam, Dayniile iyo Saraakiisha Hey’addaha Amniga, kuwaasi oo ku howlanaa xaqiijinta Amniga iyo u adeegida Bulshada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa sidoo kale booqday qaar ka mid ah goobaha ganacsiga oo ay isugu yimaadaan bulshada iyo suuqyada waaweyn, asigoona bulshada kula dar-daarmay in la xoojiyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin Maamulka iyo hey’addaha Amniga.