Allbanaadir.com
NEWS

Shiinaha oo xanibaad saaray 18 shirkadood oo Mareykan ah

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa xayiraad saartay in ka badan 18 Shirkadood oo Mareykanka laga leeyahay, kuwaas oo qaarkood ay hoostagaan waaxda difaaca, ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu dhaqan geliyay hanjabaadiisa ah inuu Beijing ku soo rogi doono canshuuro dheeraad ah.

Maamulka Trump ayaa dhowaan canshuuro 50% ku soo rogay badeecadaha Shiinaha, taas oo sii xoojisay dagaalka ganacsi ee ka dhexeeya labadan dal oo ah kuwa ugu awoodda badan dunida markii la eego dhinaca dhaqaalaha.

Maamulka Trump ayaa inta badan dalalka dunida, gaar ahaan kuwa Mareykanka wax u soo dhoofiya saaray canshuuro xoog leh, balse Shiinaha ayaa u muuqda inuu si dhab ah uga aargoosanayo tillaabo kasta oo ay qaado Washington.

Dhinaca kale, Shiinaha iyo Midowga Yurub, ayaa billaabay wada-xaajoodyo ay ku xoojinayaan iskaashigooda ganacsi , iyagoo ka jawaabaya canshuuraha uu soo rogay Mareykanka , sida uu sheegay wasiirka ganacsiga Shiinaha, Wang Wentao oo hab fogaan-arag ah wada-hadal kula yeeshay madaxa ganacsiga Yurub iyo amniga dhaqaalaha,Maros Sefcovic.

Labada dhinac ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay sare ugu qaadi lahaayeen is dhaafsigooda ganacsi, xilli la xaqiijiyay in xubnaha Midowga Yurub ka tirsan ay booqan doonaan Shiinaha , si ay sare ugu qaadaan iskaashigooda ganacsi.

Related posts

Xamse Barre oo sheegay in DF xalineyso tabashada K/Galbeed

Caydiid Ali

War cusub oo kasoo kordhay weerarkii lagu qaaday goob ay ku shirayeen Saraakiil katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray RW Abiy, Mustafe Cagjar & Axmed Shide? (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---