Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu casuumaad u diray madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed si ay uga arrinsadaan “Gogosha Wadahadal” ee uu dhawaan ku dhawaaqay.
Shirka lagu baaqay oo aan lagu casuumin Madaxweynaha Jubbaland, ayaa la sheegay inuu ka dhacayo magaalada Muqdisho 1da iyo 2da May.
Shirka ayaa loo qorsheeyay in uu noqdo mid lagu xallinayo arrimo siyaasadeed oo muhiim u ah dowladda iyo dowlad goboleedyada sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow Vila Somalia
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in kulanku uusan ahayn shirkii golaha wadatashiga balse uu yahay mid looga arrinsanayo ajandaha iyo habraaca shirka uu madaxweynaha ku dhawaaqay
Puntland ayaa xaqiijisay in casuumaaddu soo gaartay, balse waxay sheegeen in aysan ahayn tii laga filayay Villa Somalia. Waxay sidoo kale sheegeen Puntland in ay ka fiirsanayaan ka qeybgalka kulankaas uu madaxweyne Xasan shiikh ku baaqay.
Shirkan ayaa ah mid lagu xoojinayo wada-hadalka iyo iskaashiga u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxa ayna dad badani u arkaan inuu noqon karo fursad lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee mudada dheer ka jiray DF & qaar ka mid ah dowlad goboledyada.