Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Taliyaha XDS & Saraakiisha Maxkamada ciidanka qalabka sida oo gaaray Gaalkacyo

Saraakiil uu hogaaminayo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Masuuliyiinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Maxkamada Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka sida Liibaan Cali Yaroow

Waxaa soo dhaweyn halkaasi  ugu sameeyay masuuliyiinta Maamulka degmada iyo Shacabka Gaalkacyo qaarkood iyadoo ujeedada safarkooda lagu sheegay dhameystirka heshiiskii ay Gaalkacyo ku wada gaareen Madaxda Puntland iyo Galmudug si loo dhameeyo dagaalada ku soo laablaabtay Gaalkacyo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wafdigan ay qeyb ka noqon doonaan soo dhoweynta madaxweynaha Somalia oo wararka qaarkood sheegayaan inuu safar dhinaca dhulka ki iman doona Magaalada Gaalkacyo isagoo hadda booqanaya magaalada Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dufcadii 3aad oo lagu soo dhoweeyey iskaashiga Jaamacadda UPEACE & Machadka SDRI (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Gaashaandhiga & Taliyaha ciidanka XDS oo gaaray Kismaayo (Sawirro)

Caydiid Ali

Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---