Allbanaadir.com
NEWS

Ukraine oo dagaalka ku qabatay askar u dhalatay Shiinaha

Ciidamada Ukraine ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba muwaadin oo Shiinaha u dhashay, kuwaasi oo u dagaallamayay ciidammada Ruushka ee gobolka Donetsk, bariga Ukraine, sida uu sheegay Madaxweynaha dalkaasi, Volodymyr Zelensky.

Talaadadii ayaa madaxweynaha Ukraine waxa uu tilmaamay in ay hayaan xogo muujinaya in tirada ciidanka Shiinaha ee ka barbar dagaallamaya ciidammada Ruushka ” ay laba qof ka badan tahay.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andrii Sybiha, ayaa sheegay in ciidammada Shiinaha ee ku sugan carrada Ukraine “ay su’aal gelinayaan mowqifka Shiinaha uu ka taagan yahay aaddan doorka nabadda” isagoo intaas ku daray in wakiillada shiinaha ee Kyiv loo yeedhay si sharaxaad loogu helo dhacdadan.

Eedayntan ayaa noqonaysa tii ugu horraysay oo rasmi ah oo Ukraine u jeediso Shiinaha. Ruushkuna ayaan ilaa hadda ka jawaabin xogta uu Zelensky soo bandhigay Arbacadii.

Related posts

Askar katirsan ciidanka Booliiska oo xifdisay Qur’aanka Kariimka oo la dalacsiiyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wax ka ogow Muhiimada Soomaaliya u leeyahay Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday

Cabdi Cade

Xasan Shiikh oo qorsheynaya inuu booqdo Xarumaha dowlad goboleedyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---