Allbanaadir.com
NEWS

Somalia & Turkiga oo kala saxiixday heshiis cusub oo xasaasi ah

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u shaacinaysaa heshiis istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo laga bilaabayo hawlgal sahamin shidaal oo lagu sameynayo dhulka gudaha Dalka (Onshore Blocks).

Heshiiskan muhiimka ah ayaa ka dhashay kulan wadatashi ah oo dhexmaray Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS Mudane Daahir Shire Maxamed iyo Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Alparslan Bayraktar. Kulankaasi wuxuu daba socday wadahadallo miro-dhal ah oo horay uga dhacay magaalada Istanbul.

Intii uu socday kulanka, waxaa si rasmi ah loo kala saxiixday “Heshiiska Sahminta iyo Soo Saarista Kaarboon ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya”, waxaana heshiiskaas kala saxiixday Shirkadda Shidaalka ee Turkiga (TPAO) iyo Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (SPA).

Sida ku xusan heshiiska, Shirkadda TPAO waxay ka fulin doontaa Soomaaliya hawlo sahaminta dhulka ah (seismic surveys) oo laba-gees iyo saddex-gees ah (2D & 3D) oo lagu sameynayo saddex dhul oo isku wareeg ah 16,000 KM². Marka sahankaasi la dhameeyo, waxaa lagu guda geli doonaa hawlaha qodista iyadoo la tixraacayo natiijooyinka sahanka.

Tallaabadan cusub waxay astaan u tahay horumar dhab ah oo laga gaaray dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku horumarinayso kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, waxayna u gogol xaareysaa wejigii labaad ee sahaminta dhulka kadib dadaalladii hore ee lagu sameeyay badda Soomaaliya.

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta waxay ku rajo weyn tahay in iskaashigan uu noqon doono mid miro-dhal ah, kana qeyb qaata kobcinta dhaqaalaha dalka, abuurista fursado shaqo, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Related posts

War Deg Deg ah: Madaxweyne Farmaajo oo baajiyay kulankii Baarlamaanka yeelan lahaayeen

Cabdi Cade

Wasiirka arrimaha gudaha oo arrimo muhiim ah kala hadlay Raisedon Zenenga (Sawirro)

Cabdi Cade

Muhaajiriinta iska dhiiba dalka UK oo hadda kadib la gaynayo dal kuyaala Afrika

Cabdi Cade
Taboola Ads ---