Allbanaadir.com
NEWS

Xilliga ay dib u bilaabanayaan kulamada Golaha Shacabka oo la shaaciyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada oo oo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa kulanka ku dhaariyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee dhowaan la magacabay.

Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ayaa ka dooday jadwaleynta shuruucda horutebinta u leh Golaha Shacabka kuwaas oo la horgeynayo todobaadka soo socda, waxaana guddi walba uu faahfaahin ka bixiyay shuruucda uu gacanta ku haayo, heerarka ay marayaan iyo sidoo kale xiliga la horgeynayo kulamada guud ee Golaha.

Ugu dambeyn Guddiga Joogtada ayaa isku raacay in maalinta isniinta ee socota ay dib u bilaaban doonaan kulamada guud ee Golaha Shacabka.

Related posts

(Sawirro) Ra’isul Wasaaraha Somalia oo heyadaha amniga ku amray feejignaan

Caydiid Ali

Akayed Ullah oo ka hadlay sababta uu u geystay qaraxii ka dhacay Magaalada New York

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Shehbaz oo ka hadlay Eedeyn dil oo uga timid Imran Khan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---