Maamulka SSC Khaatumo, ayaa si KMG ah u hakisay canshuurta jid marka ee laga qaadi jiray gaadiidka kala duwan, sababo la xariira safarka lagu wado in magaalada Laascaanood ku tago Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Qoraal kasoo baxay Wasiirka Maaliyadda maamulka Khaatumo, ayaa lagu shaaciyay in la hakiyay muddo 10-maalin ah oo maanta ka bilaabaneysa qaadista canhuurta jid marka, waxa ayna Wasaaraddu sheegtay in sababta loo hakiyay la xariirto safarka uu Xamse ku imaanayao Laascaanood.
Waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Khaatumo , in go’aankan loo qaatay si loo tixgaliyo safarka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ugu imaanayo, sidoo kale loo fududeeyo isku socodka bulshada ku dhaqan deegaannada Khaatumo.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com