Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiiradda oo ansixiyay heshiis Masar lala galay sidoo kale bogaadiyay…

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha Qaranku deegaanno badan ka saareen Khawaarijta.

Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada.

Golaha, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.

 

Related posts

Xaalad adag oo mar kale soo wajahday buundada degmada Buulo Burde (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay kulamo xal loogu raadinayo Khilaafka Guudlaawe iyo Dabageed oo socda

Cabdi Cade

Faah Faahin:-Xaalka Galmudug iyo weerar cirka ah oo lagu diley saraakiil ka tirsan Al-Shabaab!!

admin
Taboola Ads ---