Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho ee ka dhashay saqafkii kore ee kusoo dumay goob lagu caweeyo oo kutaalla magaalada caasimadda ah ee Santo Domingo ee Jamhuuriyadda Dominican, waxaana hadda gebogrbo maraya howlgalka badbaada iyo helida dad wali nool.
Mas’uuliyiinta dowladda Jamhuuriyadda Dominican ayaa tirada dadka ku dhintay musiibada dhacday ku sheegay in ay gaartay184 qof, waxa ayna xuseen in ay hadda sii yaraaneyso rejada laga qabo in goobta laga helo dad wali nool oo bururka dhismaha ku hoos jira.
Warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganaysa agaasimaha hawlgallada degdegga ah ee dalka Dominican, Juan Manuel Mendez, ayaa Khamiista maanta ah sheegay in ugu yaraan 184 qof ay ku dhinteen shilkaasi, waxa uuna intaa ku daray in tiro kale oo badan ay dhaawacmeen ayna yaalaan isbitaalada.
“Waan joogi doonaa halkan ilaa aan ka soo kabsano qof walba, dhintay ama nool,” ayuu yidhi, isaga oo raaciyay in wax badbaaday aan laga helin burburka hoostiisa tan iyo galabnimadii Talaadada oo bilowday howlgalka samatabixinta.
Goobtan lagu caweenayay ee mashaqadu ka dhacday ayaa waxaa ka buuxay fannaaniin, ciyaartooy xirfadleyaal ah iyo mas’uuliyiin dowladeed , waxaana mar qura kusoo dumay saqafka kore ee dhisimihii ay ku caweenayeen dadka goobta ku dhintay.
Ilaa hadda ma cadda sababta keentay in saqafka sare uu soo dumo, waxaana goobta lagu caweeyo ay soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegtay in ay la shaqeyneyso maamulka, waxaana durba bilowday baaritaanno la xariira waxa sababay dhacdadan murugada badan abuurtay.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com