Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo shaaciyay saameynta ka dhalan karta duullaan lagu qaado Iran

Madaxweyaha dalka Mareykanka Donald Trump , ayaa marar badan ku hanjabay in duullaan milatari ku qaadi doonaan dalka Iran, haddii dowladda Iran ka biyo diido in ay meesha ka saarto barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.

Mareykanka iyo Iran , ayaa isbuuca soo socda yeelan doona wadahadallo toos ah, waxaana haddii ay guuldareestaan wadahadalada laga cabsi qabaa in dowladda Mareykanka oo garab ka heleysa Israa’iil weerar ku qaadaan dalka Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ka digay duullaan lagu qaado dowladda Iran, waxa uuna caddeeyay Wasiirka haddii weerar lagu qaado dalka Iran ay saameyn xooggan ku yeelan karto guud ahaan dalalka dhaca Bariga Dhaxe.

Waxa uu sheegay Hakan Fidan in weerar lagu qaado dalka Iran ay ka dhalan karto xasillooni darro meelo badan saameysa, waxa uuna intaasi raaciyay in uusan xilligan xamili karin gobolka Bariga Dhexe , duullaan ka dhan ah dowladda Iran.

Iran , ayaa horey ugu hanjabtay in ay weerari doonto dal kasta oo kuyaalla Baruga Dhaxe oo Mareykanka u ogolaato in dalkooda duullaan kasoo qaado, waana midda keentay cabsiga laga qabo in guud ahaan Bariga Dhaxesaameyn ku yeelato haddii Mareykanka duullaan ku qaado Iran.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Imaaraadka oo ku dhawaaqay inuu hawada sare ka samayn doono sahan ballaaran

Cabdi Cade

Dugsiga Amiin Quran Online oo ah dugsi Qurbajoogta la dhaceen oo bishan arday cusub qaadanaya

Cabdi Cade

DEG DEG: Qaraxyo lagu hoobtay oo ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---