Mareykanka,wuxuu shalay dhaqangeliyay canshuur 104% oo la saaray wax-soosaarka Shiinaha, oo sheygii laga keeno Shiinaha oo galaya Mareykanka oo horey $100 u ahaa, wuxuu hadda ku galaya Mareykanka $204,waxay ahayd tallaabo si dhab ah cid walba u tustay inuu Trump daah-furay dagaal ganacsi oo leh cawaaqib xun, sababtoo ah wuxuu Trump imtixaankan marinaya dal wax soosaarka yaalla gudaha Mareykanka wax ka badan 50% soo saara, taa oo ka dhigan inuu si dhaqso ah go’aankan u saameynayo qof kasta oo Mareykan ah, ma aha kaliya cawaaqibka ay la kulmayaan warshadaha Shiinaha.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha, ayaa dhankeeda isla shalay ku dhawaaqday 84% oo canshuur la saaray badeecadaha Mareykanka ee soo galaya Shiinaha, si looga jawaabo canshuurka 104% ee Mareykanku saaray wax soosaarka Shiinaha, waxaa xigtay wasaaradda ganacsiga Shiinaha oo sheegtay in Shiinuhu ka jawaabi doono iskuday kasta oo uu lagu dhaawacayo warshadaha Shiinaha…wuu dagaallami doonaa Shiinaha illaa dhammaadka.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed.
Ma aha intaa oo kaliya, wuxuu isla shalay Shiinaha soo saaray diginin halis ah oo ku wajahan muwaadiniinta Shiinaha ee qorsheynaya inay u safraan Mareykanka, waxayna wasaaradda dalxiiska Shiinaha digniinta ay baahisay ku sheegtay walaac amni ee gudaha Mareykanka in lagu boorrinayo muwaadiniinta Shiinaha inay ka fiirsadaan u safrida Mareykanka, iyadoo aan la bixin sharraxaad kale! Way sii socdaan tallaabooyinka Shiinaha, waxaana digniin amni loo diray ardayda Shiinaha ee wax ka barata gudaha Mareykanka, lama bixin faahfaahinta digniinta, balse Shiinaha wuxuu muujiyay inuusan dooneyn shillinka Shiineyska inuu faa’iido Mareykanka iyo farriin uu ku muujinayo sida uu Shiinaha u dagaallami doono, wax walbana waxay inoo muujiyeen sida dagaalkan ganacsi uu xilli walba faraha uga bixi karo!
Waxaa arkaya wax kasta oo Shiinaha uu sameynayo Trump, oo waxyar ka hor bartiisa bulsho ee Truth Social, ku baahiyay farriin uu ku sheegay ; “ Wax walba si fiican ayey u shaqeyn doonaan…Maraykanku wuu ka sarreyn doonaa oo wuu ka fiicnaan doonaa sidii hore”!
Waa maxay marxaladda xigta, maxaa la filayaa inay dhacaan?
Toddobaad gudihii waxaan ku arki doonaa shaqaale badan oo shaqada laga saarayo Shiinaha iyo xataa gudaha Mareykanka,gaar ahaanna shirkadaha shisheeye ee soo dedinta badeecadaha Shiinaha ku shaqada lahaa, waxaana cadaadis darran la kulmi doonaa shirkadaha Mareykanka ee wax ka soo dhoofsan jiray Shiinaha, kuwaasoo ku khasban inay helaan waddooyin saadka ganacsi ee Shiinaha ay soo mariyaan si ay uga baxsadaan canshuurta badan ee ku dhacaysa dhoofsiga badeecadaha ee Shiinaha, taa oo qiimo sare ku kacaysa.
Suuqyada saamiyada iyo shirkadaha ganacsiga, waxay ku khasbanaan doonaan si ay hoos u dhac uga badbaadaan inay lacago badan ku shubaan kaydkooda.
Waxa la fili karo waa in Trump uu ka jawaabi doono go’aanka canshuurta cusub ee ka soo baxday Shiinaha, haddii aysan dhicin wax isbeddel ahna toddobaadyo gudahood waxaan arki doonaan burbur dhaqaale oo aanan khasaarihiisa horey loo tirin. Wax walbana waxay muujinayaan in laga gudbayo marxaladda qaboob, loona gudbayo marxalad kulul.
Sidee u saameynaya Soomaaliya dagaalkan dhaqaale?
Soomaaliya, waxay waji doontaa cawaaqib ay la kulmi karto qaaradda inteeda kale oo ah suuqa labaad ee Shiinaha oo sannad walba uu ka soo dejiyo badeeco ka badan labo boqol oo bilyan, wuxuu Shiinaha ku soo daadin doonaa badeecadihiisa ku jira bakhaarada Afrika, waxayna Afrika la kulmi kartaa koror badeecooyin ka imaanaya Shiinaha, si looga badbaadiyo warshadaha Shiinaha saameynta badeecadaha ku baaqanaya ee ay u dhoofin jireen Mareykanka, markaa dalalka Afrika ee sameynayay kororka wax soosaarka gudaha ayaa la kulmaya burbur, halka ganacsatada Soomaaliya ay ka faa’iidaysan doonaan , surtagalnimada lacagta Shiinaha ee Yuan inay la kulmi karto hoos u dhac, halka doollarka uu sare u kacayo, taa oo fursad u siinaysa inay ganacsatada Soomaaliya soo galiyaan badeecado ay ku soo heleen lacag jaban, balse iyaga ayaa leh inay u naxariistaan dadweynaha oo jabiyaan qiimaha ama waxay ku sii socon doonaan inay halkeedii wax walba ku hayaan.
Warshadaha Shiinaha waxay soo saaraan, badeecad u dhiganta hal tirilyan oo dollar oo ka baxsan wax soosaarka looga baahanyahay gudaha Shiinaha, halka boqolkii lixdan ay u diri jireena waa Mareykanka, taasina waa sababta aan kugu sheegay inay badan tahay surtagalnimada halka badeecadaa lagu soo qabi doono inay tahay Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya.
Dhinaca aan wanaagsanayn ee dagaalkana ay Soomaaliya kala kulmi karto, waa lacagta dollarka, oo Soomaaliya looga adeegsado lacagta koowaad, maaddama uusan dalku lahayn lacag u gaar ah, taana waa in cawaaqib kasta oo lacagtaa ay wajahdo sidoo kalena laga arki doono gudaha Soomaaliya.
Waa maxay dhaqdhaqaaqyada kale ee la xiriira dagaalkan ganacsi ee Trump uu daahfuray?
Mareykanka, wuxuu tobankii sanno ee u dambeysay u arkayay Shiinaha khatar ku soo socota oo doonaysa inay suuqa ka saarto Mareykanka, waxaana jirta qiyaasaha hay’adaha sirdoonka Mareykanka inay sheegeen illaa 2030 inuu Mareykanka la kulmi doono tartan adag oo kaga soo wajahan Shiinaha, xataa nidaamkii hore ee Biden , madaxii hay’adda sirdoonka dibadda ee CIA-da William Burns, wuxuu ku taliyay inuu Mareykanku qaado tallaabooyin ka dhan ah Shiinaha, si looga hortaggo khatarta ganacsi iyo amni ee ku soo wajahan Mareykanka.
Muddadaa ay sare martay walaaca uu Mareykanka ka qabo Shiinaha, waxaa la arkay hadda inuu si cad isugu dayayo Mareykanka inuu wajaho Shiinaha, kaliya ma aha dagaalka ganacsi , sidoo kale waxaa jira cadaadis dhinac walba ah oo Mareykanka uu adeegsanayo si uu hoos uga dhigu Shiinaha, loogana hortago hamiga uu ku dhaafayo Mareykanka.
Trump, markii uu ku soo laabtay Aqalka Cad, wuxuu gantaallo u raray Filibiin, goob isrataatiji ah oo Shiinaha lagu cadaadin karo, tan Shiinaha waxay uga jawaabeen xadgudub, sabab la xiriirta hubka la geynayo Filibiin waxaa ku jira gantaallo burburiyaal ah oo maraakiibta iyo saldhigyada Shiinaha khatar ku ah.
Waxaa xigtay inay Hindiya , soo baxday oo ay sheegeen inay ka hortagayaan khatarta Shiinaha ee badweynta Hindiya, waxayna Delhi caddeysay in maraakiib dheeraad ah oo la soconaya dhaqdhaqaaqa Shiinaha geyn doonto badweynte Hindiya, sida uu shaaca ka qaaday taliyaha ciidamada badda Hindiya, Admiral Dinesh K Tripathi oo sheegay in tallaabadan looga hortagayo wax uu ku sheegay khataraha imaan karo.
Mareykanka, wuxuu sidoo kale xoojiyay joogitaankiisa jasiiradda Diego Garcia ee badweynta Hindiya, oo la geeyay diyaaradaha B-2 ee qaada bambooyinka nukliyeerka iyo diyaaraha wax basaasa oo sidoo kale si dhow ula soconaya dhaqdhaqaaqa badweynta Hindiya iyo badda cas, ujeedka waa hanjabaad ka dhan ah Iran iyo weerarrada Xuutiyiinta, balse waxa intaa dheer waa la socodka ganacsiga ka gudbaya badweynaha Hindiya iyo badda cas.
Waxaa ka horreysay in madaxii hore ee hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da , William Burns uu tagay inta badan dalalka Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya oo sannadkii hore uu labo mar soo booqday, isagoo kala hadlaya qorshaha Mareykanka uu ku doonayo in hoos loo dhigo saameynta Shiinaha, tan oo ah waxa laga doonayo in Afrika loo diyaariyo heshiisyo cusub oo ka hor imaanaya danaha Shiinaha, si meesha looga saaro saameynta sii kordheysa ee Shiinaha uu ku leeyahay Afrika.
Shalay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio wuxuu la xiriiray dhiggiisa Pakistan, Ishaq Dar , isagoo u caddeynaya si ka duwan dal kasta oo kale inuu kala shaqeynayo sidii hoos loogu dhigi lahaa saameynta ka dhalanaysa canshuurta 29% ee la saaray wax soosaarka Pakistan, tallaabo u muuqata inuu Mareykanka ka hortagayo Pakistan oo marti gelisa dekedda ugu weyn ee Shiinaha uu dibadda ku leeyahay inay sare u qaado xiriirka Shiinaha.
Waxa la maqlay ee loo qaadanayo inay qeyb ka tahay cadaadiska uu Mareykanka doonayo inuu saaro Shiinaha, waa inuu Mareykanku dib ugu laabanayo Afgaanistaan, si milatariga Mareykanka ay mar kale ka howlgallaan saldhiga istiraatiijiga ah ee Bagram, halkaa oo la sheegay inuu booqday toddobaadkan ku-xigeenka madaxa CIA-da,Michael Ellis oo la socday diyaaradda nooca xamuulka qaada ee C-17 oo ka qaaday saldhigga milatari ee Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar ee Al Udeid,balse lama bixin sharraxaad la xiriirta waxa ay booqashadaa salka ku heysay, wallow Taliban oo soo bandhigtay inay diyaar u tahay xiriir ay la sameyso Mareykanka.
Dhaqdhaqaaqan ayaa muujinaya sida Mareykanka u doonayo saldhigyada iyo dekedaha istaraatijiga ah, xataa iyadoo uu doonayo Mareykanka inuu joogitaan ku yeesho deked kasta oo ku taalla Soomaaliya, si ka badan sida horey loo qiyaasayayna wuxuu sare u qaaday Mareykanka joogitaankiisa Soomaaliya oo ah goob kale oo istaraatiji ah oo loo adeegsan karo la socodka dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee marinnada badda cas iyo badweynta Hindiya,taa oo Mareykanka ku xiraysa dhammaan marinnada kale ee ganacsiga adduunka.
Gunaanad;
Waxa u baahan in jawaabaha loo helo, waa side Trump u doonaya inuu u maareeyo saameynta dhaqaale ee gudaha Mareykanka uu kala kulmayo cawaaqibka ka dhalanaya canshuuraha uu saaray wax soosaarka ganacsi ee caalamka?
Trump, ma wuxuu ka shaqeynayaa isbeddel ganacsi oo ka dhaca adduunka, iyadoo fallanqeeyaasha ay sheegeen inay qaadanayso muddo sanno ah inuu Mareykanka hirgeliyo warshado ku filan inay buuxiyaan wax soosaarka Shiinaha ee Mareykanka uu keeno!
Dhaqaale burburka wuxuu gaaraya suuqyada ganacsi iyo maalqabeennada Mareykanka, oo maalintii bilyar dollar khasaare ah, maaddama ay ku tirsanyihiin agabka uga imaanaya Shiinaha,sidee tan xal uga helaya Trump?
Waxa u dambeeya, waa in ku sii jirka marxaladan ay inoo sheegayso sida ay halistu u badan tahay oo iska horimaadyada Mareykanka iyo Shiinaha lagu arki karo dekekadaha iyo suuqyada caalamka, maddama Mareykanka uu canshuuraha uga dan leeyahay inuu heshiisyo la galo waddamada caalamka, kuwaasoo go’doomin kara Shiinaha, waa sidee markaa tallaabada uu qaadi karo Shiinaha? Waa wax aan laga tagi karin in Shiinaha iskudayi doono awood milatari inuu ku soo ceshado saameyntiisa, maaddama labada dhinac uusan midna ku guuleysan karin dagaalkan ganacsi , haddii aan la helin tanaasul ka yimaada, midkood ! Duniddana waxay u qeybsami karta kuwa la kala safta Mareykan ama Shiinaha, markaa dalna ma awooddi doono inuu isku heysto labadan quwad ee tartamaya..!
W/Q Iman Jamac