Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu RW Xamse kala hadlay Danjire Abdalla Al-Cuteybi?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada Jaamicadda Carabta ee Soomaaliya, Danjire Cabdalla Al-Cuteybi

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Ra’isul Wasaaraha, ayaa intii uu kulanka socday waxa uu ka hadlay guulaha waaweyn ee ay dowladdu xaqiijisay iyo fursadaha maalgashiga ee dalkeenna ka jira ee u baahan inay maalgashadaan dalalka Carbeed ee xubnaha ka ah ururka, gaar ahaan dhinacyada dalkeenu qaniga ku yahay ee Xoolaha, Beeraha, Kalluumeysiga, Tamarta, Batroolka iyo Macdanta.

Danjire Al-Otaibi, ayaa la soo qaaday Ra’iisul Wasaare Xamsa muhiimadda ay leedahay qorshe ururku wado oo lagu xoojinayo barashada luuqadda Carabiga, maadaama ay Soomaaliya tahay dal Muslim ah xubinna ka ah Jaamicadda Carabta, isla markaana dastruurkeena uu qorayo luqadda labaad ee dalka in ay tahay Carabi.

Related posts

Kooxda Daacish oo eedeyn u jeedisay dowlada federaalka Soomaaliya

Caydiid Ali

Xildhibaan kamid ahaa Xubnihii lagu casuumay Shirka London oo diiday in uu ….

Cabdi Cade

Abaal-marin la guddoonsiiyey nin la sheegay inuu ka soo goostay Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---