Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay koror weyn oo lagu sameeynayo canshuuraha badeecadaha laga keenayo dalka Shiinaha, isagoo sheegay in laga bilaabo maanta laga qaadi doono 125%. Sidoo kale waxa uu sheegay in dhammaan wadamada kale loo dejin doono canshuur guud oo ah 10%, taasoo lagu dhaqan gelinayo muddo 90 maalmood ah oo hakad ah, si wadahadallo loo furo.
Trump ayaa bartiisa Truth Social ku qoray “Marka la eego ixtiraam la’aanta Shiinaha uu u muujiyay suuqyada caalamka, waxaan kordhiyay canshuurta Shiinaha ilaa 125%. Wadamada aan ka aargudin Mareykanka, waxaan siiyay 90 maalmood oo hakad ah, iyadoo canshuurta guud laga dhigayo 10%.”
Trump ayaa soo jeediyay inuu la yeesho madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, wadahadal toos ah oo ku saabsan canshuuraha ganacsi ee labada dal.
Tallaabadan ayaa loo arkaa fursad lagu dejin karo xiisadda sii kordheysa ee ka dhalatay canshuuraha is-daba joogga ah ee labada dhinac isku rogeen, iyadoo dhaqaalaha caalamka uu wajahayo walaac sii badanaya.
Trump: “Wadahadal waa fursad waxaan diyaar u nahay inaan ka shaqeyno xal cadaalad ah oo dan u ah labada shacab.
Dhinaca kale Suuqyada saamiyada Mareykanka sida NASDAQ iyo S&P 500 ayaa si weyn u kacay kadib markii lagu dhawaaqay hakadka, taasoo ay falanqeeyayaashu u arkeen in Trump “dib uga laabtay” qorshihiisii hore.