Shiinaha ayaa ku dhawaaqay canshuur kale gaadhaysa 84% oo uu ku soo rogay badeecooyinka Mareykanka, taasoo ka falcelinaysa canshuuraha cusub ee uu Madaxweyne Trump saaray badeecooyinka Shiinaha.
Tani waxay sii hurinaysaa dagaalka ganacsi ee u dhexeeya labada dal ee ugu awoodda badan dhaqaalaha adduunka.
Trump ayaa horey u kordhiyay canshuuraha Shiinaha isagoo gaadhsiiyay ilaa 104%, waxa uuna ku daray 50% dheeraad ah maalintii Arbacada kadib markii Shiinuhu diiday inuu tanaasulo. Shiinaha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu dhaawacayo nidaamka ganacsi ee caalamiga ah.
Shiinuhu wuxuu sheegay in aanu dooneyn dagaal ganacsi, balse uu diyaar u yahay inuu si adag uga jawaabo haddii Mareykanku sii kordhiyo cadaadiska.
Dalalka Midowga Yurub, ayaa iyana maanta ku dhawaaqay canshuur kale oo ay saarayaan badeecadaha uga yimaada Mareykanka , si ay uga jawaabaan canshuurta uu Trump saaray wax soosaarka Midowga Yurub, iyagoo ku biiraya Shiinaha iyo Canada oo canshuur saaray badeecadaha Mareykanka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Mareykanka , wuxuu sannad walba u dhoofiya dalalka Midowga Yurub badeecad gaaraysa 23 bilyan oo dollar.