Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo soo saartay qeylo dhaan & baaq deg deg ah

Puntland ayaa ku dhawaaqday in abaar iyo biyo la’aan baahsani ka jirto dhammaan gobollada iyo degaannada Puntland.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka dowladda Puntland ayay ku sheegtay in ay jirto abaar iyo biyo la’aan daran oo saamaysay dhammaan degaannada Puntland.

“Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland ayaa baaq kasoo saartay xaaladaha abaaraha ee ka jira deegaanada puntland taas oo sababtay biyo la’aan baahsan oo  saamaysay dhammaan gobolada iyo deeganada puntland,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Puntland, waxay ka dalbatay bah-wadaagta hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bini’aadanimada in ay gurmad iyo biya-dhaan deg deg ah gaarsiiyaan degaannada abaartu saamaysay, waxaana ay sheegtay in ay ku hawllan tahay ka hortagidda khatarta abaaraha iyo biya la’aanta jirta.

“Wasaarada ayaa ugu baaqaysa hay,adaha bah wadaagta la’ah ee ka shaqeeya arimaha bini’aadanimada inay kawada qayb qaataan sidii Gargaar biyo dhaan ah loogu samayn lahaa dadka ay saamaysay abaartu” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH AH

Related posts

Markab Dagaal oo Ruushka lahaa oo la weeraray lana bur buriyay iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade

Puntland oo amar adag ku soo rogtay Cumar Faaruuq Cismaan (Akhriso)

Caydiid Ali

Afhayeenka Al-Shabaab oo war ka soo saaray qaraxii gobolka iyo shaqsiga lala beegsanayey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---