Ciidamada Xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa maanta howlgal lagu laayey xubno ka tirsan Al shabaab gaadiidna looga gubay ka fuliyey gobolka Shabeellada Dhexe.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidanku heleen Xog sheegaysa in xubno ka tirsan Al shabaab oo aad u haraadsan ama u ooman ay biyo ka soo doonteen Ceelbiyood ku yaala deegaanka Ceelka-Nuurgadow oo hoostaga degmada Al-Kowsar ee gobolka Shabeellaha Dhexe
Ciidanka ayaa halkaas weeraray, iyagoo dagaal culus la galay xubnihii ka tirsanaa Al shabaab ee halkaas ku sugnaa.
“Waxaa halkaas lagu dilay dhammaan maleeshiyaadkii goobta joogay iyadoo sidoo kale Ciidanku gubeen gaadiidkii ay biyaha ku qaadan rabeen argagixisada howlgalka lagu afjaray” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka DF.
Howlgalkaan ayaa qeyb ka ah kuwa maanta ka soconaya gobolka Shabeellada Dhexe ee lagu naafeynayo khawaarijta nafla caariga ah.