Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka la dagaalamaya Socdaalka sharcidarada

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Ahmed Moallim Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah khudbad ka jeediyay shirka labaad ee heer Wasiir ee Geedi-socodka Khartoum oo ku qabsoomay magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Shirka oo oo ay ka soo qeybgaleen in ka badan 50 dowladood oo matalayay wadamada Yurub, Geeska Afrika iyo wakiillo ka socday Urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga ayaa diirrada lagu saaray dadaallada lagula dagaalamayo socdaalka sharci-darada iyo ka ganacsiga dadka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay dowladda Masar oo ah shir-guddoonka shirka, isaga oo sheegay in geedi-socodka Khartoum uu yahay wax ka run sheegaya xaaladaha is-beddelka leh ee arrimaha socdaalka, aynta tahay madal muhiim u ah wadahadal wax ku ool ah, wax wadaagga iyo tallaabo-qaadka.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay ku soo noqoshada Suudaan ee madasha, isaga oo xusay in Soomaaliya ay hindistay in howsha la sii ambaqaado xilli ay adkayd, haatan soo dhowaynayso dib ugu hanashada Suudaan kursigeeda matalaadda.

Wasiir Fiqi ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaato hab-maamul loo dhanyahay oo ku salaysan socdaalka oo la jaanqaadaya qorshe howleedka Qaahira. Waxa uu carabaabay dadaalka badan ee lagu xoojinayo hababka isuduwidda iyo dejinta siyaasadaha ku aaddan xuquuqaha, ee dhowraya farqiga u kala dhexeeya lab iyo dhedig, xalna u raadinaysa sababaha ku askumay socdaalka sharci-darada ah ee loo yaqaan “tahriibka”.

Wasiirka ayaa sheegay in hannaanka socdaalka oo halbowle u noqda iskaashi sarreeya lagu maareyn karo, laguna ilaalin karo xaqa soogalootiga, dib-u-celinta iyo ku dhex-milankooda bulshada iyo burburinta shabkadaha dembiyadani abaabula.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa ku bogaadiyay Masar xilligeeda shir-guddoonnimo, isaga oo muujiyay taageeriddiisa dhammaystiran ee Faransiiska oo noqonaya shir-guddoonka xiga ee Geedi-socodka Khartoum, waxa uu u mahadceliyay Midowga Yurub , Midowga Afrika iyo Xarunta (ICMPD) horumarintooda siyaasadaha socdaalka.

Related posts

Mareykanka oo war ka soo saaray duqeyn uu ka geystay Koonfurta Soomaaliya

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo Daah-furay Wareejinta Nashqadaha Qorshe ee Saddex magaalo (Sawirro)

Cabdi Cade

Turkiga iyo Gariiga oo sameenaya Dhoolo tus sababi kara in ay isku dhacaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---