Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shir muhiim ah oo ka furmay Kuwait

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Kuwait City ayaa maanta ka qeyb galay munaasibadda furitaanka shir hay’adaha Maaliyadda Dalalka Carabta oo sanadkani ay marti-galinayso Dowladda Kuwait.

Shirkaan oo sanadle ah ayaa waxaa inta badan diiradda lagu saaraa arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo maalgalinta, iyada oo ay si joogta ah uga soo qeyb galaan Dowladaha, Hey’adaha iyo Ururo Caalami ah ee ka shaqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo maalgalinta.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sidoo kale la filayaa inta uu socdo shirkan, in uu kulamo doceedyo la yeelan doono qaar ka mid ah Madaxda matalaya Dowladohooda iyo Hey’adaha caalamiga ah ee shirka ka soo qeyb galay, kulamadaas loo la filayo in ay natiijo wax ku ool ah ay ka soo baxaan.

Related posts

Madaxweyne Laftagareen & wafdi uu horkacayo oo u dhoofay dalka Nigeria

Caydiid Ali

Iran oo heshay Sir culus & Mareykanka oo ka walaacsan

Caydiid Ali

Burcad-badeed Soomaali ah oo maanta ku fashilantay in Markab ganacsi afduubtaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---