Dowladaha Mareykanka iyo Iran, ayaa isbuuca soo socda wadahadal si weyn loo sugayo ka yeelanaya barnaamijka Nukliyeerka Iran, waxaana wadahadalka labada dhinac u dhaxeeya mid kasta uu wataa shuruudo adag oo sababi kara in wadahadalka guuldareesto.
Ra’isul Wasaaraha Israa’il Benjamin Netanyahu ayaa shaaciyay in heshiiska Nukliyeerka Iran, kaliya la aqbali doono haddii ay xukuumadda Tehran ogolaato in la qarxiyo oo meesha laga saaro dhammaan xarumaha Nukliyeerka Iran iyo qalabka yaalla.
Netanyahu ayaana caddeeyay in dowladda Mareykanka ay tahay cidda burburineysa meeshana ka saareysa dhammana xarumaha Nukliyeerka Iran iyo qalabka halkaasi yaalla, isaga oo intaasi ku daray haddii taasi dhici weyso in la isticmaali doono tallaabo kale oo dhinaca milatariga ah.
Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Israa’iil, in arrimahan khuseeya burburinta hubka nukliyeerka Iran uu si qote dheer ugala hadlay Madaxweyne Trump, waxa uuna xusay in labo un mid noqon doonto in Iran ogolaato in meesha ka saarto barnaamijkeeda Nukliyeerka ama in tallaabo adag laga qaado.
Madaxweynaha Mareykanka Trump, ayaa horey warqad uu ugu diray madaxda Iran ugu sheegay in kaliya ogolaan doonaan in la burburiyo warshadaha Nukliyeerka ee dowladda Iran , haddii ay Iran taasi aqbalaana uu Mareykanka maalgelin doono dhismaha warshado cusub oo nukliyeerka tamarka iyo tiknoolajiyadda ah.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com