Allbanaadir.com
NEWS

Waa kuma Sargaalka sare ee loo magacaabay Madaxweynaha Tigrey ?

Sarreye guud Tadesse Worede oo hogaaminayay dagaalyahanada Tigray intii uu socday dagaalkii sokee ee Itoobiya ayaa loo magacaabay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee gobolka Tigray. Waxaa uu xilka kala wareegayaa Getachew Reda oo isagu ku eedeeyay xisbiga TPLF inay doonayeen inay xilka ka tuuraan.

Xisbiga TPLF ayaa dhexdeeda waxaa soo wajahay kala qaybsanaan iyo sii xumaanshaha xiriirkooda iyo xiisada gobolka ee kala dhaxaysa Ereteriya

General Tadesse Waxaa uu laba sano madaxweyne ku xigeen ka ahaa maamulkii ku meel gaarka ahaa ee lagu dhisay heshiiskii Pretoria.

Ninka uu badalay ee Getachew Reda ayaa si rasmi ah isaga casilay xilkaasi.

Ninka la magacaabay ayaa sii hogaaminayay Tigray tan iyo intii Gatachew Reda uu ka dhoofay Mekelle 2-dii Maarso.

Waxa uu soo ahaa hogaamyaha taliska guud ee ciidamada ee Tigrey, Waxaa sidoo kale taliye sare uu ka ahaa dagaalkii TPLF la gashay dowlada dowladda federaalka 2020 ilaa 2022 oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo qof, iyada oo ay ku khasabtay malaayiin in ay ka barakacaan guryahooda.

Waxa uu miiska wadahadala la soo fariistay taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya Berhanu Jula,heshiiskii Pretoria ee November 2022, ee soo afjaray dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee gobolka Tigreey.

Waxa uu ku dhashay kuna barbaaray Enderta oo Makelle ka tirsan, waxaa uu wax ka soo bartay Emperor Yohannes.

Waxa saamayn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii ardayda Jaamacadda Addis Ababa iyo halgankii dadka Ereteriya ee wakhtigaas.

Waxaa uu soo bilaabay halganka oo ka mid ahaa dhalintii halgalkna Tigreey ee maarso 1968, isaga oo sheegay in uu ​​yahay qofkaka kaliya ee ka badbaaday dhalintii asaagiis ahaa ee xiligaasi.

Hogaano kala duwan ayuu soo qabtay oo ciidanka, waxaana Tadesse Worede uu hogaamiye ka noqday qaybta 73aad.

Waxaa su’aalo la iska weydiinayaa khilaafka ciidamada iyo hogaanka TPLF soo kala dhex galay.

Sanadkii aynu soo dhaafnay TPLF waxaa ay u kala qaybsantay laba qaybood oo mid ka mid ah uu hogaaminayo Debretsion Gebremichael, kaasi oo eedeeyay maamulka kumeel gaarka ee Tigray, oo uu hogaamiyaha cusub qayb ka ahaa.

Debretsion ayaa ku eedeeyay hogaamiyaha is casilay Getachew Reda inuu iibsaday danihii reer Tigray.

Qaybta uu hogaamiyo Debretsion ayaa qabsaday magaalada Adigrat bishii aynu soo dhaafnay, waxaana ay iska diideen eedeymaha inay bahwadaag noqdeen Ereteriya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay barta X, ku sheegay in Tadesse uu fahan cad ka haysto labadaba waxyaabihii ay qabteen iyo wixii ay ka tageen maamulkii hore, ayna dad badan aaminsan yihiin inuu joogo boos uu ka hagi karo Tigray xilligan kala-guurka.

Abiy ayaa intaa ku daray rajadiisa Tadesse ay tahay fursadan taariikhiga inuu ka caawiyo dadka reer Tigray ay xaqiiqsadaan rajadooda nabada iyo horumarka,” ayuu intaa ku daray.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee maamulkaas ee xilka wareejiyey, oo ay is qabten Debretsion, ka dibna u safray Addis ayaa sheegay inuu ka badbaaday laba isku day dil.

Xafiiska arrimaha amniga ee gobolka tigray ayaa gaashaanka ku dhuftay, ayaga oo cambaareeyey eedeynta ka timid Getachew Redha, waxayna sheegeen in eedeyntu aysan kaliya ahayn been abuur, balse ay tahay “mid la farsameeyey”.

Source BBC

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 2 aad :- Maxay aheyd faaxishadii sababtay in la halaago Qoomkii loo diray Nebi Luud CS?

admin

(Akhriso) Dowlada Somalia oo ku raad joogta shaqsiyad ku howlan arrin halis ah

Caydiid Ali

Nin Soomaali ah oo si lama filaan ah Abiy Axmed ugu magacaabay Kuxigeenkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---