Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kolonyo ay wateen ciidamada AMISOM oo Muqdisho lagu Weeraray

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ayaa caawa maqribkii qarax lagula eegtay agagaarka Isgoyska SOS oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo loo adeegsaday miino wadada dhinaceeda la geliyey ayaa la sheegay inuu haleelay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ay wateen ciidamada AMISOM.

Goob-joogayaal ayaa ku waramaya in qaraxa ka dib ciidamada AMISOM ay fureen rasaas xooggan oo muddo kooban socotay, taasoo sababtay in laga kala cararo wadada SOS.

Xaalada ayaa degan hadda, waxaana dib u furantay wadada SOS oo muddo u xirneyd qaraxa iyo tacshiirada ka dhacday oo illaa hadda aan la ogeyn khasaaraha kaa dhashay.

Ciidamada AMISOM ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey weeraro u badan qaraxyo miino lagula eeganayey degmada wadada isku xirta Ex-kontrol Balcad, SOS illaa suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Ruto oo laalay sharcigii dibed-baxyada xoogan ka dhaliyey Kenya

Caydiid Ali

Askartii ugu badneed oo hal maalin Israa’iil looga dilay Gaza iyo Jahwareer ku dhacay

Cabdi Cade

Faah Faahino kasoo baxaya dil Minnesota loogu geestay Taksiile Soomaali ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---