Iran, waxay berri soo bandhigi doontaa horumarka ay ka gaartay tiknoolajiyadda Nukliyeerka, sida ay wakaaladda wararka Iran ee Mehr, ka soo xigatay madaxa ururka tamarta nukliyeerka Iran, Mohammad Eslami.
Soo bandhigista kuma jirto nukliyeerka militari, taas beddelkeeda nidaamka Ali Khamene, waxay doonayaan inay dunidda ay tusaan horumarintooda nukliyeerka ee dhinacyada tamarta iyo qalabka caafimaadka, ka hor wada-hadallada Iran ay la yeelanayo Sabtida , toddobaadka dambe Mareykanka ee la xiriira barnaamijkeeda nukliyeerka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in heshiis suuragal ah yahay haddii Mareykanka muujiyo rabitaan dhab ah, isagoo sheegay in ujeedka Iran yahay in laga qaado cunaqabateynta.
Madaxweyne Trump wuxuu ku celiyay in Iran aysan heli doonin hub nukliyeer, isagoo ka digay in haddii wadahadallada ay fashilmaan, ay Iran wajihi doonto “maalin xun.”
Ruushka ayaa soo dhaweeyay wada-xaajoodka, isagoo ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu dejin karo xiisadda gobolka.