Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo China saaray canshuur kale oo waali ah

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqay inay berri si rasmi ah u dhaqangeli doonto canshuur 104% oo la saaray badeecadaha Shiinaha , kaddib markii ay dhammaatay waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay Shiinaha inuu dib uga laabto canshuur dheeraad ah oo 35% ee maalin ka hor uu saaray badeecada Mareykanka.

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa yiri: “Shiinaha wuxuu sameeyay khalad markii uu doortay inuu ka jawaabo. Marka Mareykanka la garaaco, Madaxweyne Trump wuxuu ka jawaabaa si ka xoog badan. Sidaas darteed, canshuuraha cusub ee 104% ah waxay dhaqan galayaan caawa.”

Wuxuu intaa ku daray: “Haddii Shiinaha u yimaado heshiis dhab ah, Madaxweyne Trump wuxuu noqon doonaa mid aad u deeqsi ah oo diblomaasi u furfuran.”

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda maamulka Trump ee lagu difaacayo dhaqaalaha Mareykanka, loogana hortagayo waxa uu ugu yeeray “ganacsi aan caddaalad ahayn oo Shiinuhu wado.

Trump, ayaa horey ugu hanjabay inuu Shiinaha ku soo rogi doono canshuur 50%, haddii uusan si deg deg oo illaa 8 April ku eg uga laaban, tallaabada aargoosiga ah ee Shiinaha uu uga jawaabay canshuurtii uu horey u soo saaray Trump , markaa oo Shiinaha badeecada Mareykanka uu dul saaray canshuur 30%,balse taa haddii uusan ka laaban waxaa dhaqangeli doonta 9 April , canshuur 50% ah oo Trump uu saarayo wax soosaarka Shiinaha.

Talaabadan ayaa u muuqata bilowga dagaalka ganacsi oo halkii u sarreeyay gaaray , iyadoo go’aanka Mareykanka uu ka dhiganyahay haddii wax ka yimid Shiinaha ay ku kici jireen $100, markii hore soo dejinta hadda waa inay bixiyaan $204 si ay u soo galiyaan Mareykanka.

Related posts

Israel oo duqeyn ku dishay weriyeyaal ka tirsan Aljazeera

Caydiid Ali

Vjosa Osmani oo loo doortay Madaxweyne cusub muddo shan sano ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Johnson oo caawa loola cararay Isbitaal ku yaalla London

Caydiid Ali
Taboola Ads ---