Allbanaadir.com
NEWS

Fahad Yasin: “Waxaa socda shirqoolo ka dhan ah ciidanka XDS”

Fahad Yaasiin, Taliyihii hore ee Nabad Sugidda iyo Laanta Sirdoonka Soomaaliya (NISA), ayaa si kulul u dhaliilay xaaladda adag ee maanta ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed isagoo sheegay in saddexdii sano ee ugu dambeysay la lala eegtay shirqoolo ballaaran oo lagu burburinayo awooddii iyo dib u dhiska ciidanka.

Fahad wuxuu sheegay in ciidanka loo galay shirqool uu soo maleegay dal Carbeed, ayna fuliye ka noqdeen laba qof oo Soomaali ah, kuwaasoo si toos ah uga shaqeeyay xafiisyo muhiim ah oo awood u siinayay hirgelinta qorshahaas.

Mid ka mid ah labadaas mas’uul ayuu Fahad ku tilmaamay “laba kaarle” — qof si isku mid ah ugu adeegaya danaha shisheeyaha iyo kooxda Al-Shabaab, inkastoo ay kala hadaf yihiin.

Qoraalka Fahad wuxuu si cad u muujinayaa tuhun weyn oo la xiriira in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay si ula kac ah u burburisay nidaamkii dib u dhiska ciidanka qaranka ee si tartiib tartiib ah ugu socday xilligii Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in mid ka mid ah raggaasi horey xil muhiim ah uga soo qabtay Wasaaradda Gaashaandhigga, balse markii ay fashilmeen qorshihii shirqoolka, hadana dib loogu celiyay isla Wasaaraddii si uu u dhameystiro howlgalka burburinta.

Fahad si cad uma sheegin magacyada raggan waxaa la aaminsan yahay inuu ula jeedo Wasiirkii gaashaandhiga DF ee xilka wareejiyey Maalmo ka hor C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac & iyo Taliyihii hore ee NISA Mahad Salaad.

HOOS KA AKHRISWO QORAALKA FAHAD YAASIIN

————————————————————————————————————————————————————————

SHIRQOOLKII  CIIDAMADA XOOGGA DALKA

Ciidanka Xoogga Dalka, saddexdii sano ee u dambaysay, waxay u gacan galeen shirqool uu dal carbeed soo maleegay, ayna fuliye ka noqdeen laba qof oo si toos ah xilal uga soo qabtay xafiisyo awood u siinaya iney hirgaliyaan qorshaha shisheeyaha, waxayna adeegsadeen habab arxan darro ah.

Taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka intii ay jireen, dhibaatada ay u geesteen ciidanka qaranka labadaas qof, waligeed mid lamid ah ma soo marin.

Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin iney helaan sharraxaad qeexaysa nooca shirqool ee loo dhigay Ciidanka Xoogga.

Labadaas, mid kamid ah wuxuuba ahaa laba kaarle, oo hal qorshe ayuu ugu adeegayey shisheeye iyo Shabaab oo isku ajande ah, balse kala hadaf ah.

Midkood, shisheeyuhu waxay ku guuleesteen iney xilka Wasaaradda u dhiibaan xiligii Madaxweynihii hore, waxayse ku fashilmeen fulinta shirqoolkoodii, Taliskii CXD ee waqtigaas ayaana ahaa kuwa feejigan. Nasiib darro, isla Wasaaraddii ayaa lagu soo celiyey, si uu u fuliyo qorshihii. Midka kalena, xilka ugu sarreeya Xoogga Dalka ayuu qabtay, oo Madaxweynaha jooga ayaa u dhiibay.

Related posts

Midabka biyaha webi ku yaalla dalka Argentina oo isbedelay (Sawirro)

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo weerartay saldhig kale oo ciidamada ATMIS ku leeyihiin Sh/dhexe

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo la kulmay Guddoomiye Muxsin Al-Mandalawi (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---