Allbanaadir.com
NEWS

Taliban oo Mareykanka ku wareejisay saldhigiisii Bagram

Warar cusub oo lagu daabacay wakaaladda wararka ee Khaama Press ayaa sheegaya in Mareykanka uu mar kale la wareegay saldhigga milatari ee Bagram, kaasoo ku yaalla waqooyiga caasimadda Kabul ee bariga Afghanistan.

Sida lagu sheegay warbixinta, Dowladda Taliban-ka ayaa codsaday in Mareykanka uu dib ugu soo laabto saldhiggaas, taasoo sababtay in diyaarado badan oo nooca C-17 ah ay toddobaadkii tegay yimaadaan halkaas, iyagoo sida qalab milatari, agab sirdoon, iyo shaqsiyaad muhiim ah sida Michael Ellis, oo ah Agaasimaha Ku-xigeenka CIA-da.

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin in ciidamada Mareykanka ay si buuxda dib ugu soo laabteen Afghanistan tan iyo bixitaankii 2021, xog laga helay raad-raacyada diyaaradaha ayaa muujinaya in diyaaradaha C-17 ee ciidamada cirka Mareykanka ay dhowaan ka dageen saldhigga Bagram.

Tallaabadan ayaa layaab ku noqotay dadka qaar, balse khubarada amniga iyo xeel-dheerayaasha istaraatijiyadeed ayaa xusay muhiimadda uu saldhigga Bagram u leeyahay Mareykanka, gaar ahaan haddii la eego suurto-galnimada uu gobolka u leeyahay duullaanno istaraatijiyadeed oo ka dhan ah dalalka Iran iyo Shiinaha.

Waxaa la isla dhexmarayaa in dhawaan la shaacin doono war rasmi ah oo lagu caddeynayo in Mareykanka uu dib ula wareegay saldhigga Bagram, iyadoo lagu wado in warkaasi la shaaciyo xitaa toddobaadkan gudihiisa.

Related posts

Mashruuca Dhismaha Wadada isku xirta Jalam iyo Xarfo oo la dhagax dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Golaha Aqalka Sare ee Somalia oo ka hor yimid qorshaha Trump ee Bariga Dhexe (Sawirro)

Caydiid Ali

Ruushka & Ukraine oo qarka u saaran iney gaaraan heshiis lagu soo afjarayo dagaalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---