Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal lacaga cabsi qabo in uu ka qarxo South Sudan iyo Mucaaradka oo…

Dowladda Koonfurta Sudan , ayaa soo saartay amaro ku aadan in xubnaha mucaaradka ee ku sugan qeybo kamid ah dalkaasi in ay hubka dhigaan, waxaa sidoo kale askarta mucaaradka ah loogu baaqay in ay iska xaadiriyaan xeryaha ciidanka.

War kasoo baxay xubnaha mucaaradka Koonfurta Sudan ugu waa weyn, ayaa iska diiday amarka dowladda ee ah in ay hubka dhigaan, waxa ayna sheegeen in dowladda hadda jirta aysan xaq u laheyn in hub ka dhigis ku sameyso, sidoo kale ka arrimiyaan goobaha ay iyagu ka taliyaan.

Xiisad u dhaxeysa ciidanka dowladda ka amar qaata iyo kuwa mucaaradka , ayaana si weyn looga dareemayaa qeybo kamid ah Koonfurta Sudan, waxa ayna ciidamada mucaaradka diidan yihiin in ay iska dhigaan hubka .

Ciidamada Koonfurta Sudan , ayaa dhawaan xabsiga dhigay Madaxweyne kuxigeenka dalkaasi Riek Machar oo mucaaradka hoggaamiya, waxa ay sidoo kale ciidamada amaanka horey u xireen taliyihii hore ee sirdoonka dalkaasi, oo isna si weyn uga soo horjeeday Madaxweynaha talada haya.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xuutiyiinta Yemen oo lagu eedeeyey iney ku kaceen fal bani’aadam-nimada ka baxsan

Caydiid Ali

Guddoomiyihii magaalada Baraawe iyo kuxigeenkiisa oo xilka laga qaaday (Wareegto)

Cabdi Cade

Muuse Biixi oo eedeymo kulul u jeediyey Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---