Allbanaadir.com
NEWS

Trump oo hadal lama filaan ah oo hanjabaad la socoto shaaciyay

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo Iran ay si kale u dhigtay hadalkan cusub ee kasoo yeeray Trump.

Trump , ayaana sheegay in wadahadalan ay Iran la yeelanayaan in la isku fahmo ay muhiim u tahay dowladda Iran, waxa uuna ku hanjabay  haddii wadahadallada lagu guulaysan waayo in Xukuumadda Tehraan ay la kulmi karto khatar aad u weyn.

Hadalka Madaxweyne Trump, waxaa si adag u beeniyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, oo sheegay in wadahadalada looga arrinsanayo hubka Nukliyeerka ay la galayaan Mareykanka uu yahay mid aan toos aheyn, kaa oo meesha ka saaraya hadalkii uu Madaxweyne Trump xalay sheegay.

Mareykanka iyo Iran , ayaana wali isku maandhaafsan sida loo wajahayo wadahadalka ay yeelanayaan labada dhinac , kaa oo la filayo in todobaadka soo socda ka dhacdo dalka Cuman, waxaana hadallada is diidan ee kasoo baxay labada dhinac saameyn ku yeelan karaa wadahadalka la qorsheeyay.

Madaxweyne Trump, ayaana marar badan ku hanjabay in tallaabo adag ka qaadi doonaan Iran haddii uu la isku fahmo waayo wadahadalka loo ballansan yahay, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal weyn labada dal ka dhax qarxo haddii ay guul dareestaan wadahadalka loo madalsan yahay.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoorqoor oo furay kalfadhiga 10aad ee Barlamanka Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali

Rag diyaariyay Shirqool afgembi oo ka dhan ahaa Boqor Cabdalla oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo dhiirogelin ugu tagay Ciidamo wada howlgal culus (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---