Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadda Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda Microsoft, xilli uu milkiilaha shirkadaasi Bill Gates goobjoog ka ahaa.

Gabadhan ayaa mar qura goobta ka istaagtay iyada oo sharaxad ay socotay, waxa ayna ku qeylisay in ceeb ku tahay in shirkadda Microsoft ay sabab u noqotay dhimashada dad gaaraya 50,000 oo Falastiiniyiin ah, waxa ayna wax laga xumaado ku tilmaantay in dhiiga dadkaasi ay shirkadda u dabaaldegto.

Wakaalada wararka ee Associated Press ayaa sheegtay fiidnimadii Isniinta in Microsoft ay shaqada ka eriday  Ibtihal Abu Saad , iyo sidoo kale gabar kale oo iyana lagu magacaabo Vania Agrawal, oo ah gabar asal ahaan kasoo jeeda Hindiya balse heesata dhalashada Mareykanka.

Ibtihal Abu Saad, ayaa la sheegay in si degdeg ah wakiil katirsan shirkadda Microsoft in uu ugu wargaliyay in shaqada laga joojiyay, halka saaxiibteeda kale iyana fariin  email ahaan loogu sheegay in iyana shaqada shirkadda looga joojiyay.

Gabadhan reera Marooko Ibtihal Abu Saad, ayaa aheyd  injineerad software ee shirkadda Microsoft katirsan,  waxa ayna celcelis ahaan bishii  ay mushaar ahaan u qaadan jirtay   ugu yaraan $15,000, waxa ayna go’aansatay in shaqadeyda ku weyso difaaca walaalaheeda reer Falastiin ee la xasuuqayo.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

DF oo ganacsatada hordhigtay dalab xasaasi ah oo ku saabsan COVID-19 (Sawirro)

Caydiid Ali

Talaabooyin lagu xoojinayo amniga Magaalada Muqdisho (Shaki laga qabo Wali Farmaajo)

Caydiid Ali

Madaxweyne Hakainde Hichilema oo arrin adag ka codsaday ragga xaasaska leh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---