Dowladda Shiinaha ,ayaa si adag uga jawaabtay hanjabaad cusub oo kasoo yeertay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, oo dowladda Shiinaha ugu goodiyay in canshuiur dheeraad ah kusoo rogi doono haddii aysan ka laabtay canshuurta aargoosiga ah ay ku kaceen.
Trump oo ka carooday in Shiinaha uu qaaday tallaabo aargoosi ah oo la xarirta canshuurta uu kordhiyay, ayaa ku hanjabay dowladda Shiinaha in uu soo rogi doono canshuur dheeri ah oo 50%, haddii aysan ka laaban canshuur kordhinta ay sameeyen.
Wasaaradda Ganacsiga dowladda Shiinaha oo war soo saartay, ayaa shaacisay in aysan marnaba aqbali doonin nuuca cusub ee baada ah ee dowladda Mareykanka wado, waxa ayna Wasaaradda sheegtay in ay dagaallami doonaan ilaa dhammaadka.
Khilaafkan u dhaxeeya dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka , ayaa isku rogaya dagaal siyaasadeed saameyn xooggan yeelanaya, waxa ayna arrintan bilaabatay kaddib markii Madaxweyne Trump uu kordhiyay canshuurta, sidoo kale Shiinaha iyagana tallaabooyin aargoosi ah sameeyeen.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com