Allbanaadir.com
NEWS

Farmajo & Shariif oo War ka soo saaray geerida Jen. Sheegow

Madaxweynayaashii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed iyo Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Jen. Sheegow Axmed Cali oo galabta ku xijaabtay magaalada Muqdisho isbitaal ku yaalla

Jen. Sheegow Axmed Cali ayaa ahaa maxbuus u xiran dowlada Somalia ka dib markii sanad iyo bar ka hor lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah sababo la xiriira iska horimaad dhimashoi iyo dhaawac geystay oo dhexmaray ciidamo isaga taabacsanaa iyo kuwa DF

HOOS KA AKHRISO QORAALKA LABADA HOGAAMIYE

Maxamed C/llaahi Farmaajo

Tacsida iyo murugada waxaan la qeybsanayaa qoyska, ehelada iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariisto, Marxuum Sheegow Axmed Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada waxaan ugu baaqaynaa in uu tixgeliyo cabashada qoyska Sarkaalka geeriyooday iyo ehelada dhallinyarada maxaabiista ah ee wehelinaysay, sidoo kale waxaa muhiim ah in la sameeyo baaritaan deg deg ah oo ku saabsan duruufaha uu u geeriyooday Marxuumku.

Alle waxaan uga baryayaa Sarkaalka in uu ku mannaysto Jannatu Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo qarankiisa.

-DHAMMAAD-

Shariif Shiikh Axmed

Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Janaraal Sheegoow Axmed Cali oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada xoogga Soomaaliyeed, islamarkaana muddooyinkii dambe ahaa maxbuus dowladda u xiran.

Jeneraalka wuxuu kaalin mug leh ka soo qaatay howlgallo argagixisada looga saaray dhul badan oo ka tirsan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Illaahey samir iyo iimaan haka siiyo ehelkiisa iyo carruurtiisa isagana haka waraabiyo Jannatul Firdowso.

Related posts

Deni: “Warka dowladu ku sheegtay inuu fashilmay shirka horey ayuu u diyaarsanaa”

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Geerida Janaraal Cabdisamad Cali Shire

Cabdi Cade

Bankiga Horamarinta Islaamka & Hay’adda Samafalka Aadan Cabdulle Cusmaan oo deeq Waxbarasho siinaysa …

admin
Taboola Ads ---