Madaxweyne Trump, ayaa waxyar ka hor ku hanjabay inuu Shiinaha ku soo rogi doono canshuur 50%, haddii uusan si deg deg oo illaa 8 April uga laaban, tallaabada aargoosiga ah ee Shiinaha uu uga jawaabay canshuurtii uu horey u soo saaray Trump , markaasoo Shiinaha badeecada Mareykanka uu dul saaray canshuur 30%,
Trump ayaa ku goodiyey haddii Shiinaha uusan ka laaban waxaa dhaqangeli doonta 9 April , canshuur 50% ah oo Trump uu saarayo wax soo saarka Shiinaha.
Trump ayaa daahfuraya toddobaad kale oo dagaalka ganacsiga uu saameyn ku yeelanayo suuqyada caalamka , oo tan iyo maanta la kulmay hoos u dhici u sarreeyay muddo dheer kaddib, xilli suuqyada Shiinaha ay ku jireen kuwa maanta u xirmay hoos u dhaca ka dhashay canshuura uu soo saaray Trump.
Shiinaha wuxuu sannadkii u dhoofiya Mareykanka badeeco gaaraysa $ 438.9 bilyan, halka Mareykanka aysan xataa gaarin badeecada uu Shiinaha geeyo labo boqol oo bilyan. Shiinaha suuqiisa macaashka ugu badan uu ka helo waa Mareykanka, marka dani ugama jirto inuu la ciyaaro Trump , wuxuu kaliya ku jiraa tartan sharafeed oo ah inuu ka hortagayo waqti hore dagaalkan in looga adkaado!