Allbanaadir.com
NEWS

Safiirka Israel oo laga ceyriyey xarunta Midowga Afrika

Midowga Afrika ayaa xaruntooda ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ka cayriyey Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya, Abraham Nfus.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii dalal dhowr ah ay diideen in ay ka qayb-galaan munaasibad lagu xusayey sannad-guurada 31aad ee ka soo wareegtay xasuuqii dalka Rwanda ka dhacay 1994 haddii aan xarunta laga saarin Danjiraha Israel oo halkaas ku sugnaa.

Wasaaradda Arrimaha-dibedda ee Israa’iil ayaa sheegtey in ay ka xuntay tallaabadan, isla markaasna ay Midowga Afrika ka qaadayso tallaabooyin diblumaasiyadeed oo aysan sheegin nooca ay yihiin.

Israel waxay arrintaasi ku eedaysay Guddoomiyaha Cusub ee Komishanka Midawga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf oo ka soo jeeda dalka Jabuuti, waxayna sheegtay in safiirkooda oo munaasibaddaasi xuska ahayd lagu martiqaaday uu Guddoomiyuhu horjoogsaday, sidaasna  looga saaray shirka.

Danjiraha Israel oo dhawr cisho kahor la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa sheegay in Addis Ababa ay xaq u leedahay inay bad hesho.

Israel ayaa tuke cambaar leh ka noqotay fagaarayaasha caalamka intooda badan sababo la xiriira xasuuqa iyo gumaadka ay ciidankeedu ku hayaan shacabka reer Falastiin ee Gaza iyagoo sanad iyo dheeraad ah dilay dad ka badan 50 kun oo u badan haween iyo caruur.

Related posts

Gudoonka Golaha Shacabka oo beeniyey in kulanka Sabtida xilka looga qaadayo Rooble

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo ka hadlay Dadaalada la isugu keenayo Madaxda DF iyo kuwa maamulada

Cabdi Cade

RW Ku-xigeenka Somalia oo xariga ka jaray Wasaarad dib loo dhisay 30 sano ka dib (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---