Madaxda dowladda dhexe iney tagto degmooyinka hoos taga maamul goboleedyada uu khilaafku kala dhexeeyo dowladda dhexe waa tilaabo u baahan qaadideeda in laga gaabsado, waxaana haboon in waayoaragnimo laga kororsado wixii ka dhacay ras kambooni oo hoostagta falaagada Axmed Madoobe, waxaase xala in dowladda dhexe ay awood ciidan u adeegsato maamul goboleedyadaas si ay dib ugu soo celiso ka mid ahaanshaha dowladda dhexe ee Soomaaliya, balse awoodaas hadda dowladda Soomaaliya ma haysato, marka waxaan meesha oolin iney daandaansi aan macno lahayn ay ku carqaladeyso nolosha degmooyinka aysan awoodin maamulidooda, isla markaasna ay xaq tahay iney ka fogaato dhibaateynta degenaanshaha iyo wada noolaashaha dadka shacabka Soomaaliyeed ee ku wada nool degmooyinka ay ka jiraan xasarado u dhexeeya beelaha deegaanka ku wada nool.
Waxaan habooneyn in madaxda dowladda dhexe ay dhiirogelin u aado maamul goboleed aan gacanteeda ku hoos jirin, taas oo u muuqaneysa dhaqan qabyaaladeysan oo degaano gaara loogu muujinayo aqoonsi maamul goboleed, taas oo aan sinaba suurtogal u ahayn, maadaama aysan jirin awood sharciyadeed oo dowladda dhexe u ogolaanaya iney kala jar jarto maamul goboleedyada horay u jirey oo dalka dastuurkiisa ka diiwaan gashan, waxeyna tilaabadaas ay u baahan tahay dib u eegis sharciyadeed in dib loogu eego dhamaan maamul goboleedyada aysan midowgooda gobolada aysan si sax isugu darsoomin, waxaana ay taas isbedel ku keeneysaa maamul goboleedyo badan sida Puntland oo laga soo jaro waqooyiga Mudug, laguna daro Galmudug, Matabaan oo laga soo jaro HIrshabelle, laguna daro Galmudug, shabeelada Hoose iyo Shabeelada dhexe oo laga soo kala jaro Koofur Galbeed iyo Hirshabeele, laguna daro maamul goboleedka Banadir, iyo Gedo oo laga soo jaro Juba, laguna daro Koofur Galbeed, taas oo si saxa u waafaqsan 8 gobol ee dowladda dhexe la curtay 1960.
Dowladda Soomaaliya xiriir wanaagsan lama leh Somaliland iyo Puntland oo ah laba maamul goboleed oo isku haysta deegaanka la magac baxay SSC, waxeyna Puntland ay doodeeda lahaanshaha gobolkaas ay salka ku haysaa heyb wadaagta ay la leedahay qaar ka mida bulshooyinka halkaas degen, meesha maamulka Somaliland ay xaqa lahaanshaha deegaankaas ay salka ku heyso milkiyada dhulka iyo heybta bulshooyinka deegaanadaas ku nool oo intooda badan ay heyb, xidid, iyo xigaalo wadaag yihiin, waxeyna xaqiiqda dhabta ah ay tahay in Somaliland ay tahay mida xaqa xalaasha ah u leh in gobolkaas ay ku saxan yihiin inuu ka trisanaado maamul goboleedkeeda Somaliland, meesha Puntland ay xaqdaro dhul fidsi ah ay ku dooneyso iney ku boobto deegaano hoos yimaada maamulka Somaliland, waxeyna lahaanshaha deegaankaas ay si sharciya u waafaqsan tahay xataa ka mid ahaanshihii goboladii waqooyi oo ku soo darsamay gobolada koofurta Soomaaliya, taas oo ay midowga dowladdii dhalatay 1960 ay u aqoonsatay gobolada waqooyi laba maamul goboleed oo kala ahaa Waqooyiga Galbeed iyo Togdheer, kuwaas oo dhamaan deegaanada waqooyiga hoos keentay labadaas maamul goboleed, kuwaas oo hadda midowgooda loo yaqaan Somaliland, meesha maamulkii gobolada Waqooyi Bari lagu soo koobay maamul goboleedka Majeerteenya oo kadib loo qeybiyey laba maamul goboleed oo kala ah Bari iyo Nugaal, kuwaas oo ah deegaanada saxda ah oo ay xaqa u leedahay iney ku midoobeen maamul goboleedka Puntland.
Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta waa iney ka fiirsataa caadifad qabiil in lagu marsado dhiirogelin iyo aqoonsi wax weyn u dhibi doona haykalka dowladda dhexe, waxaana sidoo kale aan meesha oolin sabab loo kala xigsado beelaha kala taageeraya labada dhinac oo maamul goboleedyadoodu ay falaago ku wada yihiin dowladda Muqdisho, kuwaas oo kala ah Somaliland, Puntland, iyo Juba, waxaana aan shaki lahayn haddiiba ay SSC hesho aqoonsi iney mustaqbalka ay raadraaceyso maamul goboleedyada ka gadoodey dowladda dhexe, sidaas daradeed ayaa lagula talinayaa madaxda dowladda Soomaaliya ineysan si sahlan aysan ku gelin taageero iney wax haleyso ma ahee aan waxba u soo kordhineyn, balse laga yaabo iney ku hungowdo guul yar oo ku meel gaara oo laga gaaro xaalada markaas taagan oo lagu helo dhibco siyaasadeed, kuwaas oo lagula xifaaltamayo maamul goboleedyada ka xarig furtay dowladda dhexe.
Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)