Allbanaadir.com
NEWS

Beesha caalamka oo war ka soo saartay gogosha uu ku baaqay Xassan Shiikh

𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 𝐖𝐀𝐃𝐀𝐉𝐈𝐑 𝐀𝐇

𝐒𝐚𝐚𝐱𝐢𝐢𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐒𝐨𝐨 𝐃𝐡𝐨𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚𝐧 𝐆𝐨𝐠𝐨𝐬𝐡𝐚 𝐋𝐚𝐠𝐮 𝐁𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐞𝐞 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐨𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐞𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚

Saaxiibada beesha caalamku* waxay soo dhoweynayaan soo-jeedinta lagu qabanqaabinayo madal ay iskugu yimaadaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in aragtiyadooda iyo dadaalladooda ay qeyb uga noqdaan la dagaalanka argagixisada iyo dhismaha hannaan dowladeed oo dimuqraadi ah kuna dhisan nidaam federaal ah, sida uu ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbaddiisii dadweyne ee 29kii Maarso 2025ka kuna beegnayd munaasabaddii Ciidda Soonfur ee Ciidul-Fitri. Istaraatijiyad midaysan oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah in laga guuleysto Al-Shabaab iyo in lasii amba-qaado arrimaha hortabinta u leh dowlad-dhisidda Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa jawaab-celinta togan ee siyaasiyiin Soomaaliyeed ee hormuudka ah ay ka bixiyeen hindisahan.

Waxaan ku boorrinaynaa Dowladda, Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, iyo saamilayda siyaasadeed iyo kuwa bulshada inay si dhakhso leh u kulmaan si loo xaqiijiyo fal-celin midaysan oo wax-ku-ool ah oo ku aaddan dagaalka socdo ee Al-Shabaab, fal-celintaas oo ah arrin mudnaan degdeg ah u leh amniga qaranka. Tallaabo degdeg ah oo ku salaysan go’aan cad oo ay qaadaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, ayna u qaadaan dhanka arrimo ay ku jiraan arrimaha muhiimka ah ee siyaasadda qaranka, dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka, ayaa suurta gelinaya in saaxiibada [caalamku] ay bixiyaan taageero dheeraad ah.

Waxaan ku bogaadinaynaa ragga iyo haweenka adkeysiga leh ee ka tirsan Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya iyo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) dadaalka ay ugu jiraan ka-hortagga is-ballaarinta Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa naga go’an in aan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ku garab-istaagno halganka ay ugu jiraan dhismaha qaran nabdoon, demoqoraadi ah isla-markaana barwaaqo ah.

*Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Austria, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Hungary, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ruushka, Spain, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Related posts

Nin si qarsoodi ah ku dilay 40 qof, kuna aasay gurigiisa oo la qabtay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Dagaal hub culus la isku adeegsaday oo mar kale ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Sida maanta looga ciiday qaar ka mid ah degaanada hoos taga Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---