Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku-simaha Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr Chen Wendi.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada waddan ee Soomaaliya iyo Shiinaha,.
Kulanka labada masuuk ayaa sidoo kale looga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada dhinacyada kala duwan leh ee uu Shiinaha siiyo dalkeena, gaar ahaan dhinacyada bani’aadannimada.
Dowladda Shiinaha, ayaa mid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya , waxa ayna ka taageeraan dhinacyada gargaarka , horumarinta iyo arrimo kale oo dalkeenna muhiimad gaar ah u leh.