Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo joojiyay in Viisaha Cumrada siiyo 14 dal oo Afrikan u badan

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo jeeda dalal kuyaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa ku warantay in wadatashiyo kaddib la go’aamiyay in si KMG ah loo hakiyo in viisooyinka cumarada iyo kuwa kale la siiyo dadka kasoo jeeda dalalka Algeria, Bangladesh, Masar, Ethiopia, India, Indonesia, Iraq, Jordan, Morocco, Nigeria, Pakistan, Sudan, Tunisia, iyo Yemen.

Muwaadiniinta kasoo jeeda 14-kan dal ee laga joojiyay in la siiyo Viisooyinka lagu galo Sacuudga ,ayaa lagu eedeeyay in gudaha Sacuudiga,m gaar ahaan dhulka Barakeysan iska sii joogaan marka cumarada ay u tageen  u dhammaado , si ay haddana dadkaasi u xajiyaan.

Falalkan ay ku kaceen dadka kasoo jeeda 14-ka dal ayaa  la sheegay inay ka dhalatay tiro ka baxaan qiyaasta dadka sannadka kasta soo  xajida, waxaa sidoo kale la sheegay in falalkan ay ka dhashaan  dhibaatooyinka mararka qaar ay la kulmaan xujeyda.

Boqoryooyada Sacuudiga ayaa doonaysa in xaqiijiyo badqabka xujayda inaysan xajin cid aan soo marin diiwaanka xujayda , qof aan fiiso xaj ku soo galin Sacuudigana, looma oggolaan doono inuu si sharci darro ah ku sii joogo Sacuudiga, sidoo kale uu kamid noqdo dadka xajinaya.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wafdi ka socda dowlada Kenya oo goordhaw gaaray Kismaayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Eritrea oo ka laabtay go’aan culus oo uu 10 sano ka hor gaaray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---