Allbanaadir.com
NEWS

CC Warsame” Dalkeenna hadda dowlad kama jirto ee Qalfoof ayaa ka jirta”

Xilligii Dowladdii Rayadka ahayd, ciidanka qalabka sida waxaa lagu tababarayey in ay Dowladda (Dhulka, Nidaamka Dastuuriga ah, Shacabka & Xukuumadda) ka ilaaliyaan khataraha dibadda iyo gudaha.

Dibada ayey siyaasadda ka joogeen, waxayna ku tababarnaayeen in xukuumaduhu waqti go’an xilka haynayaan, isna beddelayaan, laakiin Dowladdu weligeed jirayso.

Boliiska Soomaaliya wuxuu ahaa kan ugu magaca iyo muunada sarreeya Bariga Afrika, wuxuu u xil-saarnaa dhowrista sharciga iyo kala dambeynta, ilaalinta nafta iyo hantida muwaadinka, ka hortagga, ogaanshaha iyo baarista dambiyada, ilaalinta nabadgelyada waddooyinka iyo la dagaallanka fallaagonimada iyo fulinta dhammaan shuruucda iyo xeerarka dalka.

Waxay qaadan jireen tababarka ugu fiican, waxay haysteen qalabka ugu wanaagsan, waxayna heli jireen mushaarka ugu badan. Waxay lahaayeen akadeemiyad tababar, Isbitaal lagu daweeyo iyo guryo lagu siiyo dayn ay muddo ku soo gudaan, taas ayaana keentay in ay Soomaaliya ahayd dalka ugu ammaanka badan Bariga Afrika, Booliskiisana laga masayro.

Sirdoonka wuxuu ka tirsanaa Booliska, waxayna ku shaqeyn jireen qarsoodi iyo sir buuxda, waxay la mid ahaayeen hawada oo ka dhignayd in ay meel walba joogaan, laakiin aadan arki karin. Xaaskaaga, adeegahaaga guriga, waardiyahaaga, qofka aad wada shaqaysaan, saaxiibkaaga warbaahinta, darawalka, taksiilaha iyo umulisada ayaa ka mid ahaa, sidaa darteed adeegyada sirdoonka waxay ahaayeen halbowlaha Qaranka.

Waa ogaayeen waxa la yiri iyo cidda samaysay, sida ay u dhaceen, goobta ay ka dhaceen iyo goorta ay dhaceen, waxay ururin jireen oo ay falanqeynayaan dhammaan xogaha kala duwan ee la xariira waajibaadkooda shaqo, waxay u xilsaarnaayeen in ay ka hortagaan shirqool kasta oo lagu wiiqayo midnimada qaranka, waxay kaloo u taagnaayeen ka hortagga khataraha dibadda iyo gudahaba ee halista ku ah jiritaanka dowladda.

Ciidamada qalabka sida ee Milateriga, Booliska iyo Nabadsugidda waxay hoos imaanayeen maamulka rayidka waxayna fulinayeen awaamiirta xukuumad sharci ah ee xilligaa talada dalka haysa. Waajibka ciidanka waxaa ka mid ahaa ilaalinta nidaamka dastuurka iyo hubinta in isbeddel siyaasadeed uusan noqon mid rabshado, fowdo & qalaalase leh.

Ciidankii dibadda ka joogay siyaasadda ayaa 1969kii taladii dalka la wareegay, waxay laaleen dastuurkii iyo Maxkamaddii Sare, waxay kala direen Baarlamaankii, waxay mamnuuceen Xisbiyadii Siyaasadeed. Ciidankii ahaa hay’adda keli ah ee ka madaxbannaan siyaasadda, loollanka qabiil iyo kala qaybsanaan, una taagnaa ilaalinta jiritaanka qaranka ayaa siyaasaddii lugaha la galay, degmo ilaa madaxweyne iyagaa xilalkii iska buuxiyey, loollankii dhexdooda ahaa ee inqilaab, dil, shirqool, xabsi iyo jabhado lahaa ayaa dumiyey dowladdii.

Haatan, dalkeenna waxa ka jira ma aha dowlad ee waa qalfoofkii dowladda, sababtoo ah dowladdu dalka oo idil gacanta kuma hayso, mana laha ciidan qalab sida oo ah dhabarkii ay ku tiirsanaan lahayd oo difaaca xudduudaha berriga, bada iyo cirka, ilaaliya Nidaamka Dastuuriga ah, kana hortaga khataraha argagexisada iyo shirqoolka dibadda.

Dhinaca kale, waxaan tabar lahayn hay’adihii maamulka, maaliyada, iyo garsoorka ee halbawlaha u ahaa socodsiinta hawlaha dowladda iyo adeegga danta guud.

Waxaan xasilnayn oo heshiisna lagu ahayn siyaasaddii hagi lahayd dib u dhiska ciidanka iyo hay’adaha kale ee halbawlaha u ah dawladda.

Hoggaamiyayaasha dalkooda dowlad u dhisa, iyadoo ay caqabadahaasi jiraan, ama ka gudbiya marxalado halis ku ah jiritaanka dowladda waxaa loogu yeeraa rag dowladeed (Statesmen), shakhsiyaadkaasi waxay kulansadaan karti hoggaamineed, fogaan arag, daacadnimo, aqoon iyo xirfad dowladnimo. Ilaa aan ka garano muhiimadda uu hoggaanku u leeyahay samatabixinta iyo jiritaankeenna ummadnimo, una hawlgalno sidii lagu heli lahaa, halistu waa ina dul hognaan doontaa.

W/Q Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Related posts

Saraakiil booqatay degaano laga saaray Al shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxay ahaayeen labada sharci ee ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha shacabka? (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamada dowladda oo la wareegay saldhig Al Shabaab ku lahaayeen Deegaanka Hees (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---