Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo qorsheeneysa in saddex aag ka weerarto Khaatumo si loo fashiliyo safarka Xamse Barre

Taliyaha guud ee ciidamada Somaliland Gen. NimcaanYuusuf Gaax-nuug oo ku sugan jiidda degaanka Oog ee gobolka Sool ayaa halkaasi shir deg deg ah oo aan warbaahinta laga shaacin kula yeeshay saraakiisha ciidamada maamulkaasi.

Taliye Nimcaan Gaax-nuug iyo saraakiisha ciidamada Somaliland, waxay taliska Oog ku yeesheen shir deg deg ah oo ku saabsan jawaabta laga bixin karo safarka Ra’iisul wasaare Xamse ee magaalada Laascaanood, siday tilmaamayaan ilo wareedyo amni oo si hoose uga war helay shirkaasi.

Shirka saraakiisha ciidamada Somaliland ay ku yeesheen taliska Oog oo saacado qaatay ayay ku go’aamiyeen in ay safarka Ra’iisul wasaare Xamse ee Laascaanood ku beegaan weerar saddex aag ah, oo ay ku qaadayaan dhinaca khaatumo, si ay degaannada SSC uga bixiyaan sawir muujinaya dhul lagu muransan yahay oo colaadi ka aloosan tahay.

Saddex aag ee saraakiisha ciidamada Somaliland go’aamiyeen in ay weerarka kaga qaadaan SSC-khaatumo waxay kala yihiin; Furinta Buqdharkayn, jiidda Qorilugud iyo tan Ceerigaabo, waana markii u horraysay, oo ay Somaliland saddexdaasi aag hal saacad dagaal ka wada furto, sida hadda u qorshaysan.

 

Related posts

Hooyo dhashay 9-Cunug oo Mataano ah oo Warbaahinta la hadashay iyo Nolosha Caruurtaas oo..

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Sheekh Aadan Madoobe oo kulan yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ogow 3 Qodob oo Soomaaliya ka Caawin Kara ku Guulaysiga Dacwadda Badda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---