Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad amartay in lasoo saaro meydka Gacalo Cabdi si loo baaro

Maxkamad ku taalla Ismaamulka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa Waaxda Baaritaannada Dembiyada u oggolaatay in lasoo saaro meydka Gacala Cabdi Aadan oo 17 jir ahayd, taas oo la sheegay in nolosha lagu gubay kadib markii ay diidday guurka oday 55 jir ah.

Gacala ayaa 22-kii bishan lagu aasay Xerada Qaxootiga Dhagaxley ee deegaanka Dhadhaab.

Qaar ka mid ah ururrada xuquuqda aadanaha Kenya ayaa korjoogteyn dooona soo saaridda meydka gabadhan. Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay saldhigga booliiska Dhagaxley inay ammaanka sugaan inta hannaankan socdo.

Ujeeddada soo saaridda meydka ayaa ah in baaritaan ku celis ah lagu sameeyo si loo ogaado waxa dhabta ah ee geerida sababay iyo in qiimeyn lagu sameeyo inay sun jirto iyo waliba hidde-sidaha.

 

Dhowaan ayay ahayd markii isla maxkamad ku taalla magaalada Wajeer la soo taagay saddex nin oo Soomaali ah, kuwaas oo looga shakisanyahay dilka gabadhan, taas oo todobaadkii la soo dhaafay lagu dilay magaaladaas.

Gacala Aadan ayaa ahayd xaaska mid kamid ah raggaas, dilkeeda ayaana argagax badan ka abuuray deegaanka, maadaama sida la sheegay jirkeeda dab la qabadsiiyay ka dib markii la dilay.

Raggan oo la soo xiray todobaadkii la soo dhaafay markii uu dilka dhacay, ayaa la hor geeyay maxkamadda Wajeer si su’aalo looga weydiiyo kiiska lagu soo eedeeyay, balse dhageysiga kiiskooda ayaa dib loogu dhigay 14 maalmood kadib codsi ka yimid qareenada u doodaya eedeysaneyaasha, si loo dhameystiro baaritaanada socda, waxaana intaas lagu sii heyn doonaa xabsiga magaalada Wajeer.

Qaar kamid ah mas’uuliyiinta magaaladaas iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha, ayaa ku baaqay in tallaabo degdeg ah oo sharciga waafaqsan laga qaado cidda ay ku cadaato inay falkan geysatay.

Ilaa hadda lama xaqiijin inay raggaas maxkamadda la hor geeyay ay ka dambeeyeen dilka gabadha waxaana laga dhuur sugayaa go’aanka maxmadda laba toddobaad ka dib.

Sidee ayay wax u dhaceen?

Dhacdan xanuunka badan ayaa ka dhacday magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari Kenya, ka dib markii halkaas lagu dilay gabar 17 sano jir ahayd jirkeedana la sheegay in dab la qabadsiiyay.

Gabadha oo lagu magacaabo Gacala Aadan, ayaa waxaa loo guuriyay nin da’a ahaan ka weyn, oo ku dhowaad 60 sano jir ah, sida ay BBC-du u sheegtay hooyada dhashay gabadha la dilay.

Gabadha oo ahayd curad, ayaa waxay ka soo jeedday xerada qaxootiga Dhagaxleey ee dalka Kenya, halkaas oo qoyskeedu kula noolayd waxna ku baraneysay.

“Anaga dadka gabadha guursaday ma garaneynin, macallinkeeda dugsiga ayaa nagu soo xiray, ka dib gabadha ayuu arrinta kala hadlay wayna ogolaatay, aabaheed ayaa lala hadlay sidi ayaanna ku bixinnay”, ayay tiri hooyo Aamina Cabdinoor.

Gabadha ayaa waxaa uu guurkeedu dhacay dabayaaqadii bishii Febaraayo ee sannadkan, waxaa laga soo kaxeeyay gurigooda waxaana ugu dambeyntii la geeyay guriga ninka lagu daray oo ku yaalay deegaanka Waara oo dhowr kilomitir u jirta degmada Habasweyn oo ka tirsan magaalada Wajeer ee waqooyi bari Kenya.

“Markii aan gurigeeda geeyay oo aan ka soo laabtay, gabadha way i soo wacday, waxayna igu tiri hooyo waa la ii garaacay, waa la ii tashanayaa oo waa la ii dili rabaa, markiiba dad ayaan u sheegay balse waxaa la iigu yiri waxaas waxba kama jiraan”, ayay tiri hooyada.

Hooyo Aamina ayaa sidoo kale inoo sheegtay in marar badan ay gabadheeda soo wacday, iyadoo ka cabaneysa ninkii loo guuriyay.

Muddo ku dhow hal bil markii ay ka soo wareegatay guurkeedi, waxaa la soo wariyay geerida gabadhaas, taas oo la sheegay in la dilay 22-kii bishii Maarso.

Hooyo Aamina waxay sheegtay, in gabadheeda ay soo wacday iyada iyo dad kale oo ehelkeeda ah saacado yar ka hor geerideeda.

“Way i soo wacday oo waxay igu tiri “hooyo taleefanka ayaa la iga qaadi rabaa waana la ii dili rabaa, adeeradeed ayay wacday ugu dambeyntiina waa la dilay”, ayay tiri.

Meydkeeda ayaa la geeyay xerada Dhagaxleey oo ay ka soo jeeday, halkaas ayaana lagu aasay marxuumadda.

Hooyo Aamina ayaan sidoo kale wax ka weydiinnay waxa ay ka ogtahay sida loo dilay gabadheeda.

“Lugaha iyo gacmaha ayaa xarig looga xirxiray, ka dib joodari ayaa la saaray ka dibna waa la gubay”, ayay tiri.

Qoyskeeda ayaa waxay dilkeeda uga shakisan yihiin ninkii lagu daray, kaas oo haatan ku jira gacanta booliska.

Hooyo Aamina ayaa sheegtay in meydka gabadheeda uu ka muuqday jirdil.

“Lugaha, gacmaha iyo dhuunta xargo ayaa ka muuqday, wejigeeda waxaa ka muuqday in la gubay oo lafaha ayaa banaanka yaalay”, ayay tiri.

Qoyska gabadha ayaa laamaha amaanka Kenya iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ka dalbaday inay cadaalad u helaan gabadhooda.

Kiis noocan ah weli hore ugama dhicin deegaanada waqooyi bari Kenya.

Waxaan isku deynay in aan la xiriirno laamaha amaanka si aan arrintan wax uga ogaanno balse kama jawaabin wicitaankeenna.

Xigasho bbcSomalia

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maxaabiis Al Shabaab katirsan oo dil ku xukunnaa oo Xabsi ka baxsaday

Cabdi Cade

Ruushka oo galay Xaalad adag Milatariga dalkaasi iyo Wagner oo isku dhacay (Sawirro)

Caydiid Ali

Dalkii labaad ee Afrikaan ah oo laga helay kiiskii ugu horeeyey ee Coronavirus

Caydiid Ali
Taboola Ads ---