Allbanaadir.com
NEWS

Iran oo heegan galisay ciidankeeda iyo dalal Carbeed oo digniin loo diray

Hoggaamiyaha ruuxiga ee dalka  Iran, Ayatullahi Cali Khamenei, ayaa amray in heegan sare galaan ciidamada kacaanka dalkaasi, kaddib hanjabaadyo isdaba joog ah oo kasoo yeerayay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, ayaa marar badan ku celceliyay in ay suurto gal tahay in ay weerar ku qaadaan dalka Iran, haddii ay xukuumadda Tehran diido in wadahadal ka galaan joojinta hubka nukliyeerka oo Iran la tuhmayo in ay sameesaneyso.

Dowladda Iran , ayaana dhagaha ka fureesatay hanjabaadyada soo noq noqday ee uga imaanaya Madaxweyne Trump, waxa ayna Iran sheegtay in diyaar u tahay weerar kasta oo gardarro ah oo lagu soo qaado in ay iska difaacaan.

Hoggamaiyaha sare ee Iran Khamenei , ayaa uga difay dalalka Ciraaq, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar, Turkiga iyo Baxrayn inay la kulmi doonaan cawaaqib darran haddii ay ku taageerraan Mareykanka inuu hawada iyo saldhigyada uu ku leeyahay ka weerarro Iran.

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

R/W Rooble oo bilaabay Aargudasho Siyaasadeed oo ka dhan ah Xubno ku dhaw dhaw Farmaajo

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Guddiga difaaca Baarlamanka oo Su’aalo weydiiyey Wasiirada & Saraakiisha amniga

Caydiid Ali

Erdogan oo hal arrin ugu goodiyey Yurub, haddii ay fulin waayaan dalabkiisa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---