Allbanaadir.com
NEWS

Sidee Gabar reer Marooko ah mustaqbalkeeda ugu hurtay dadka Qasa?

Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft ayaa qabsatay Internet-ka, kaddib markii ay ka dhex istaagtay munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda Microsoft oo ay ku qeylisay mid ka mid ah madaxda sare ee shirkadda Microsoft, Mustafa Suleyman oo u dhashay Suuriya ,  isagoo sharraxayo horumarka barnaamijyada Microsoft.

Xafladda ayaa lagu qabtay xarunta shirkadda ee Redmond, oo ka tirsan gobolka Washington ee dalka Mareykanka,  waxaana ka mid ahaa dadka goobta ku sugnaa madax sare iyo aasaasaha Microsoft ,Bill Gates.

Ibtihaal ayaa istaagtay dadka hortooda waxayna billowday inay ku qeyliso: “Ceeb dhammaantiin waxaad tihiin munaafiqiin — tiknoolajiyadiinna waxay sabab u noqotay in lagu dilo 50,000 oo Falastiiniyiin ah, sidee ugu dhiiratay inaad u dabaaldegto dhiiggooda?”

Waxaa xigtay inay farriin u dirtay, shaqaalaha shirkadda oo ay u sheegtay ; “ In ka badan hal sanno iyo bar, waxaan daawaday xasuuqa lagu hayo dadkayga Falastiin, waxaan ogaaday in qayb ka mid ah shaqadayda loo isticmaalo dilka carruurta, dhakhaatiirta, saxafiyiinta, iyo dadka rayidka ah. Ma aan aamusi karin… Ma dhisi karno tiknoolajiyad loo isticmaalo in lagu dilo kuwa aan waxba galabsan oo aan iska aamusno, waa waqtigii la is taagi lahaa.”

Ibtihal Abu Saad waa injineer software ee shirkadda Microsoft, celcelis ahaan bishii waxa ay mushaar u qaadataa ugu yaraan $15,000. Waxay garab istaagtay carruurta iyo dhibanayaasha Qasa waxayna shaqadeeda ku waynaysa oo ay la kulmi doontaa cadaadis dhinac walba ah oo xataa sabab u noqonaya inaysan dib uga shaqeyn shirkad reer galbeed ah, sabab la xiriirta inay soo bandhigtay qiyamka diimeed iyo bini’aadantinimo ee ay aaminsan tahay.

Sidee Microsoft, uga qeybqaadataa xasuuqa Qasa?

Shirkadda Microsoft, ayaa qandaraas kula jirta ciidankii Israa’iil ee ka dagaallamaya gudaha Qasa, kuwaasoo ay ka caawiso barnaamijyada sirdoon oo uu ku jiro adeegga Azure, halka barnaamijyada AI-da ee shirkadan ay ku aqoonsadaan ciidanka Israa’iil goobaha ay joogaan shaqsiyaadka ku sugan marinka Qasa , sida adeegyada shirkadda haddii uu isticmaalayo qof bartilmaameed u ah ciidanka Israa’iil, waxay Microsoft ku hagtaa goobta uu qofka joogo, sidoo kale xogta ay barnaamijyada shirkadan aruuriyeen ayaa macluumaad siiya ciidanka Israa’iil.

Related posts

Farmaajo oo talooyin ka dhegeystay RW ku-xigeenkii hore ee dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay Sababta ay u toogteen Yaasiin Maxamuud Cumar

Cabdi Cade

Diyaarado ku sigtay in ay isku dhacaan iyo baaris bilaabatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---