Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Puntland oo howlgalo ka wada togga Miiraale (Sawirro)

War-saxaafadeed

Wasaarada Warfaafinta Puntland

Ciidamada difaaca dawladda Puntland oo hawlgallo lagu baadi goobayo firxadka kooxaha argagixisada Daacish ka sameeyay ceelka Bacool ee togga Miiraale.

Ciidamada ayaa intay hawlgallada kujireen gacanta ku dhigay 6-kamida gaadiidka Buuraha(𝐀𝐖𝐑) oo ay isticmaali jireen kooxaha ku dhuumaalaysanaya Calmiskaad gaar ahaan aagga Miiraale.

Sidookale ciidamadu waxay gubeen 𝐭𝐚𝐥𝐢𝐬𝐲𝐨 kooxahu ay ku lahaayeen Bacool dhinaca kalana waxay gaareen talisyo ay duqeeyeen saaxiibada dhanka cirka ka saacidaya hawlgalka 𝐇𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐜 halkaas oo lagu gaarsiiyay argagixisada jab xooggan.

Ciidamadu intii ay kujireen hawlgallada majirto wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen argagixisada, Duleedka Miiraale oo ahaa taliskii udanbeeyay ee kooxaha taagta daran kulahaayeen Calmiskaad oo aysan iska caabin kuwajihin ciidamadu ayaa muujinaysa jabka gaaray argagixisada taas oo ka dhigan dhammaadka kooxda Daac1sh ee Puntland iyo gabogabada wajiga 3-aad oo meel fiican maraysa.

=========𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃========

Related posts

Banaan bax rabshado watay oo maanta ka dhacay Degmada Balad Xaawo

admin

Madaxweyne Biden oo qaaday talaabo ay ku dhiiran waayeen Madaxdii ka horeysay

Caydiid Ali

Dal Yurub kuyaalla oo maxkamadeenaya nin adeer u ah madaxweynaha dalka Syria

Cabdi Cade
Taboola Ads ---