Xarakada Xamaas ayaa si rasmi ah u beenisay warbixintii uu soo bandhigay Wasiirka Difaaca Israa’iil, Yisrael Katz, taasoo lagu sheegay in ay jiraan muuqaallo iyo waraaqo muujinaya xiriir toos ah oo u dhexeeya Iran iyo hogaamiyeyaasha Hamas ee Gaza – Mohamed Deif iyo Yahya Sinwar – si loogu taageero weerarkii 7-dii Oktoobar 2023.
Mas’uul ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay Al-Arabiya/Al-Hadath in “qaabka iyo nuxurka farriinta la sheegay inuu ka yimid Iran ay yihiin kuwo aan sax ahayn oo laga been abuuray”. Wuxuu sidoo kale sheegay in waraaqaha uu soo bandhigay Katz ay yihiin kuwa laga sameeyay xog khaldan.
Wasiirka Israa’iil ayaa sheegay in dokumentiga uu soo bandhigay laga helay godad hoos tagay hogaamiyeyaasha Hamas, islamarkaana uu muujinayo in Iran ay ballan qaaday $500 milyan si loo taageero qorshaha lagu burburinayo Israa’iil.
Israa’iil waxay sidoo kale sheegtay in Iran, inkasta oo ay la tacaaleyso dhibaato dhaqaale, ay sii wadayso maalgelinta Xamaas iyo kooxaha kale ee gobolka sida Xisbullah, Xuutiyiinta Yemen, iyo kooxo kale oo ka jira Suurya iyo Daanta Galbeed.
Iran ayaa horey dhowr jeer u beenisay iney wax ka ogtahay weerarkii 7-dii Oktoobar, weerar sababay ku dhowaad 1,200 dhimasho iyo 250 qof oo la afduubay.