Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan muhiim ah kula yeeshay madaxa Hay’adaha Qarammada Midoobay, ahna masuulka ugu sarreeya Arrimaha Bini’aadannimada isla markaana ah Ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo uu ka mid ahaa madaxa Xafiiska UN OCHA Blaise Kabongo Mujika iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska UN-ta ee Somaliland.
Ugu horrayn, Madaxa Weftiga UN-tu, Mr. George Conway waxa uu Madaxweynaha ku bogaadiyey guushii taariikhiga ahayd ee uu ka soo hooyey Tartankii Doorashashada Madaxtooyada ee sannadkii 2024-ka.
Sidoo kale, Ergaygu waxa Somaliland ku bogaadiyey amniga, xasiloonida, dimoqraadiyada iyo ku dhaqanka shuruucda iyo Xeerarka Caalamiga ah, isagoo sheegay in Hay’adaha UN-tu ay sii xoojin doonaan wada shaqaynta hufan ee soo jireenka ah ee ay la leeyihiin Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna dhankiisa Ergayga kala hadlay arrimo door ah oo muhimmad u leh Somaliland, arrimahasi waxa ugu mudnaa: Nabada iyo Xasiloonida, Arrimaha Dimuqraadiyadda, Gargaarka Bini’aadannimada, dib-u-eegidda iyo dib-u-qiimaynta tirada, tayada iyo xaddiga maaliyadeed ee Mashaariicda ay Hay’adaha UN-tu ka fuliyaan Somaliland.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu Ergayga u sheegay in Somaliland, iyada oo aan haysan Aqoonsi Caalami ah, ay haddana muddo ka badan 30 sano ku guulaysatay ilaalinta nabadda, amniga, iyo dhismaha hannaan dawladnimo oo dimuqraadi ah, taasoo ah dhacdo Dhif iyo Naadir ku ah Gobolka Geeska Afrika oo ah Gobol ay ku badan yihiin colaaduhu.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya u sheegay in taageerada Qaramada Midoobay ay noqoto mid ku dhisan caddaalad, Somaliland ay hesho taageerada iyo deeqaha qayb u qalanta oo ku habboon.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu Ku-xigeenka Kaaliyaha Ergayga Qaramada Midoobey u sheegay in Somaliland ay qabatay doorashooyin kala duwan oo daah-furan oo ku dhacay nabad ah oo lahaa heer Madaxweyne, heer Baarlamaan iyo heer deegaan ah. Sidoo kalena Somaliland ay hadda isu diyaarinayso wareegyada soo socda ee doorashooyinka, kuwaas oo la filayo in ay ku qabsoomaan waqtigii loogu talo galay oo waafaqsan qaab-dhismeedkayaga sharci oo ah in aanu Qaran ahaan ka gudubno Dib-u-dhaca doorashooyinka oo ah xuddunta khilaafka iyo murannada xagga siyaasadda.
Guntii iyo gaba-gabadii, Madaxweynaha Somaliland waxa uu Ku-xigeenka Kaaliyaha Ergayga Qaramada Midoobay u sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay in ay UN-ta la yeelato iskaashi la isku hallayn karo, balse aanay gacmaha-hoorsan. Somaliland waxa ay diyaar u tahay wax-ka-qabashada caqabadaha culus ee ka taahan mandaqadda Geeska Afrika.