Allbanaadir.com
NEWS

Carada sii kordheysa ee shacabka Mareykanka ka qaadeen Trump

Ameerikanka waxay la kulmayaan maalmo adag,iyadoo soo laabashada Trump ay ku noqotay masiibo, kaddib markii uu la yimid isbeddelo argagax geliyay dadka Mareykanka, tani waxay keentay kaliya siddeetan iyo lix maalin oo uu xafiiska jooga inuu Trump wajaho carada Mareykanka.

Wax kasta oo uu ballanqaaday Trump, hadda waxay ka dhacayaan xariiqda suurtagalnimada, taa beddelkeeda filashada dhacdooyinka uu wajahayo Mareykanka ayaa ah kuwa cabsi ku ah.

  • Ruushku, wuxuu duqeynaya Ukraine ; Putin waxba kama soo qaadin hadallada ka imaanaya Trump iyo maamulkiisa.
  • Bariga dhexe cabsida laga qabo dagaal ayaa waqti kasta oo hore ka badan; Ballanqaadkii Trump ee joojinta dagaalkana waxay noqdeen wax ku dhammaaday afkiisa.
  • Hubkii Mareykankana waxaa loo daabulay Bariga dhexe; suuragal in la arki karo Mareykanka oo dagaal weyne ku lug leh!
  • Dib u dhiska dhaqaalihii ay dadka Mareykanka ku doorteen, wuxuu dhalay burbur dhaqaale iyo sicir barar aan horey loo arag oo ay filanayaan suuqyada Mareykanka.
  • Kumannaan kun oo shaqaale ah ayaa laga saaray shaqooyinka gudaha Mareykanka , wuxuuna wajahay Mareykanku shaqo ka cayrintii u sarreysay, halkii ay filanayeen koror ku yimaada shaqo qorista!
  • Dagaalkii ka dhanka ahaa Shiinaha ee laga maqlay Trump, wuxuu isku beddelay faa’iiddada Shiinaha oo u degdegaya suuqyada caalamka, markii Trump uu canshuur ku soo rogay wax soosaarka dunidda.
  • Jarmalku waxay sheegeen inan la aamini karin mustaqbalka Mareykanka, waxayna la baxayaan kaydka dahabka ee bankiyada Mareykanka u yaalla!
  • Warshadihii Yurub ayaa joojiyay inay u wax u dhoofiyaan Mareykanka.
  • Suuqyada saamiyada ee Mareykanka ayaa khasaaray $7 tiriliyan tan iyo Arbacadii toddobaadkii hore- in ka badan $11 tiriliyan oo khasaare ahna waxay la kulmeen tan iyo markii uu xilka la wareegay Trump ; Xaalad aysan hore ula kulmin suuqyada Mareykanka.
  • Wax soosaarka shirkadihii Mareykanka ayaa burbur kala kulmaya suuqyada caalamka, kaddib markii ay sare u kaceen qiimaha alaabaha Mareykanka; Markii u horreysay telefoonka iPhone ee shirkadda Mareykanka ee Apple ayaa ku dhawaan kara qiimo gaaraya labo kun oo dollar illaa saddex kun oo dollar, taa oo ka dhigan dadku inaysan iskudayi doonin inay iibsadaan!
  • Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Barack Obama wuxuu dadka Mareykanka u sheegay inay wax walba luminayaan, sabab la xiriirta hab maamulka Trump, wuxuu boqollaal arday ah kula hadlay Kuliyada Hamilton ee ku taal waqooyiga New York, isagoo uga digaya halista ku soo wajahan, markaa oo uu yiri ;” Bal ka warran haddii maamulkaygii uu sameyn lahaa mid ka mid ah ficillada Trump, dabcan albaabada ayaad igu soo garaaci lahaydeen.”
  • Hadalka Obama, kaddib kumannaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay New York, iyagoo ka soo horjeeda siyaasadda Trump , gobollada kale ee Mareykanka ayay bannaanbaxyada ka dhaceen, waxaana la arkay carada dadweynaha ee ka dhanka ah Trump.
  • Kamala Harris , madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka iyo musharraxii la tartamay Trump, waxay ka soo baxday aamusnaanta, waxayna tiri ; “ Codka dadka shaqeeyaa mar walba way ka sii badnaan doonaan bilyaneerrada aan la dooran.”
  • Warbaahinta Mareykanka ayaa ku raacday dadweynaha carada ka dhanka ah Trump; Telefishinka CNN, wuxuu sheegay Trump inuu dunidda faraha u geliyay Shiinaha!Guddiga tafatirka wargeyska Wall Street Journal,waxay daabaceen warbixin dheer oo ay ku soo dareen ; “ Dagaalka ganacsiga caalamiga ah ee Trump waa hadyad istiraatijiyad ah oo la siinayo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping….Xi wuxuu muddo dheer u arkayay Galbeedka inay daciif yihiin oo kala qaybsan yihiin – usbuucan ayaa xaqiijiyay, oo wuxuu u baahan yahay inuu wax ka qabto si uu uga faa’iidaysto.”
  • Wargeyska The Economist, ayaa boggiisa hore ku soo dhajiyay koofiyada uu caanka u ahaa Trump oo lagu soo qoray ; “ Make Chine Great Again” oo ay ula jeedaan inuu Trump qabanayo shaqo ka dhigaysa Shiinaha midka ugu sarreeya, waxayna ku sheegeen Trump , mid isaga xabbada isaga dhufanaya madaxa!
  • Saxafiyada caanka ah ee Mareykanka, Candace Owens ; “Yahuudda waxay maamulaan Aqalka Cad, Trumpna waa boombale”.

Trump, maxay ka beddelaysa qaadacaada uu kala kulmayo Mareykanka?

Trump, dabeecad uma leh inay beddelaan codadka ka soo horjeeda, taa beddelkeeda waxaa la filanaya inuu ku soo socdo illaa uu ka gudbiyo kuwa ka soo horjeedo xariiqda ‘layaabka ay wajahayaan’, waxa la fili karo waa in masiibada ay sare marto, muddo xileedka Trump ee hadda un bilowga ahna waa mid kulul oo dhacdooyin badan ay ku dhex jiraan..!

IMAN JAMA

Related posts

Golaha Wasiirada Somaliland oo ka shiray labo qodob oo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Qaybta 2aad :- Maxay tahay Qisada mudan in lagu cibro qaato ee qabsatay Nebi Aadam CS?

admin

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ansixiyay Xeer Hoosaadka Golaha oo dib u eegis lagu sameeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---