Allbanaadir.com
NEWS

Maxay ku kala duwan yihiin danaha Turkey & UAE ee Somalia?

Imaraadka iyo Turkiga ayaa xiifaaltanka ka dhexeeya waxey keentay iney isku siibaan oo ay isku saaraan tartanka ka dhexeeya awgeed oo ay ku doonayaan iney maxmiyad ay leeyihiin ay ku qabsadaan Soomaaliya, waxeyna labada dal ka siman yihiin hiigsiga ay ku xaqiiqsanayaan ka guul gaarida qorshahooda istratejiyadeed ee salka ku haya maslaxada danahooda gaar ahaneyd iyo mida dalalkooda, waxeyna hogaanka labada dal ku kala duwan yihiin in Turkigu uu khayraadka Soomaaliya ku doonayo inuu ku hanto si sharci xalaala oo shuruudeysan, meesha Imaraadku uu ku doonayo si xaaraana oo xaqiraad ku xiran, Waxey labada dal fahamsan yihiin in Soomaaliya ay ku taalo istratejiyad dhuleed oo xeebaheeda looga faa’ideysan karo iney u noqdaan dekedo caalamiya oo mariin ganacsi, mid dhaqaale, iyo mid siyaasadeed u noqon kara wadamada ay daneynayaan ee ku yaal gudaha qaaradda Afrika, waxaana taas u wehlisa xaalufinta kheyradka badda iyo beriga, sida kaluumeysiga, shidaalka, duurjoogta, dekedaha, iyo macdanta, iyo weliba keydka ah dhalinyarada dalka iney u adeegsadaan sida maleeshiyaad calooshooda u shaqeysteyaala oo dalkooda loo adeegsado in lagu gumeeyo ama dalal kale shacabkooda loogu adeegsado gumaadkooda ama boobka hantidooda.

Waxaan la hilmaami karin taariikhda madow ee Turkigu ku leeyahay sooyaalka Soomaalida, taas oo salka ku haysey xukunkii cusmaaniyiinta oo waqooyiga Soomaaliya ay wakil uga ahayeen walaayada Masaarida, meesha Koofurta Soomaaliya ay wakil uga ahayeen walaayada Cumaniyiinta, waxeyna Soomaaliya hiil xooggan ay uga baahatay dowladdii Cusmaaniyiinta si ay isaga caabiso duulaamadii xabashida ahayd Abysiniyiinta oo ay xulafeysi lahayeen milateriga dowladdii Greece, taas oo Cusmaaniyiinta u suurto gelisey iney sabab u ahayd iney qabsadaan Soomaaliya, iyagoo xukun islaanimo ay u wehliso beerdulucsiga ay kula wareegtey defaacida Soomaaliya, balse nasiibdarrada dhacday ayaa waxey ahayd in markii ay sii daciifeysey dowladda Cusmaaniyiinta ay si qarsoodiya Soomaaliya ay uga gadatay dowladihii reer Galbeedka oo ay awoodoodu soo xoogeysaneysey, kuwaas oo markii dambe xukun gumeysiya Soomaaliya ku qabsaday.

Hogaanka Turkiga maanta ka jira dalkooda waa mid Islaamka u danqanaya, balse ay hoosta ka gubayaan shacab iyo siyaasiyiin aan la dheyelsan karin oo ka soo horjeeda isfurfurka siyaasadeed oo ay dowladda Turkiga ku talaabsaneyso, waxaana intaas u wehliya in shacabka Turkigu ay dhamaantood ka wada siman yihiin iney yihiin mujtamac maskaxda ka xiran oo aan jecleyn isdhexgalka dadyowga kale bulshadooda kala duwan, iyo weliba iney aad ugu badan yihiin bulshooyin la qabsaday dhaqanka Reer Galbeedka, kuwaas oo dhaqanka Islaamku uu gabaabsi ka sii noqonayo, waxaana aan sidaas la isga indhotiri karin hogaanka hadda jooga oo si kelitalisnimo ah xukunka dalka ku jooga 22 sano, marka uu ku yimaado isbedel sida uu noqon doono qorshahooda ku saleysan siyaasadahooda arrimaha dibeda, kuwaas oo ay u badan tahay iney dib ugu laabtaan danahii dhaqan-dhaqaale ee kala dhexeeyey Reer Galbeedka, kuwaas oo jidka u xaaraya iney kaalin dalaalnimo ka qaataan mar labaad Iney Soomaaliya si buuxda ay gacanta Reer Galbeedka dib ugu soo celiyaan oo Soomaaliya ay noqoto dal ay taladeeda si gaara u leeyihiin wadamada Reer Galbeedka, kuwaas oo siyaasad ahaan diidan Ruushka, Shiinaha, iyo Mareykanka ineysan midna si buuxda aysan gacanta ugu gelin Soomaaliya.

Imaraadka waxaa si shaqsiya u maamusha 3 walaalo ah oo ah bahda ilmo Fatima, waxeyna dhaqaalaha ay ka helaan batroolka ay si shaqsiya ugu maalgeliyaan shabakado calooshooda u shaqeysteyaal caalamiya oo ay ku gumeeyaan dalalka ay mustaqbalka dheer ka leeyihiin danahooda gaarka ah, waxeyna xeelado badan ka soo minguuriyeen xukunkii isticmaarka reer Yurub ay ku gumeysanayeen wadamada caalamka, xeeladaas oo ahayd in maleeshiyaadka ay ku boobeyso bililiqeysiga kheyraadka wadamada ay bartilmaameysaneyso ay u sameyso shirkado ay maalgeliso oo dowladeeda ka madaxbanaan, waxeyna sidaas u sameyneysaa iney sharci ahaan ay iska fogeyso xasuuqa iyo boobka ay geysanayaan maleeshiyaadkaas aan dowladahooda ku xirneyn, wuxuuna hiigsigooda ugu weyn uu yahay saddexdaas walaalaha ah iney saameyn weyn ku yeeshaan gobolka iyo wadamada ka ag dhow, waxeyna ku daciifiyaan wadamada ay bartilmaameysanayaan iney ka dhex abuuraan madax maqaarsaara iyo weliba dagaaloogeyaal, ganacsato, siyaasiyiin, saraakiil ay qoysaskooda ka dhigaan hodan, waxeyna kuwaas ay u adeegsadaan si ka madax banana dowladahooda, kuwaas oo ay si fudud ugu adeegsadaan burburinta xukunka dowladahooda dhexe ama iney si xun ugu kala qeybiyaan shacabka dowladahaas iyo madaxdooda qaranka, waxaana tusaale ah gacanta qarsoon iyo mida muuqata oo ay ku lahayeen kacdoonadii lagu ridey xukuumadihii Masar, Libiya, Ciraaq, Suuriya, Sudan, Yemen,iyo Tunisiya, waxeyna hadda ay gacanta kula jiraan dagaalada ka jira Sudan, Libiya, iyo Yemen oo ay rabaan iney dadkooda ku qeybiyaan, waxeyna xeeladda qeybi oo xukun ay u keentay iney si dhib la’aana dahabka Sudan iyo shidaalka Libiya iyo Yemen ay u bililiqeystaan oo madaxda falaagooyinka ay taageertana ay qoysaskooda u siiyaan hanti fara badan oo lagu naasnuujinayo.

Imaraadka waxey dowladda Soomaaliya ay gacanteeda ka bixisay maamulada Juba, Puntland, iyo Somaliland, waxeyna heshiis qarsoodiya la kala gashay madaxda maamuladaas oo deegaanadooda ay uga dhex qoraneyso ciidamo calooshooda u shaqeysteyaal oo ay saldhigyo milateri oo qarsoodiya ay uga sameysaneyso maamul goboleedyadaas, kuwaas oo ay ku difaacaneyso heshiiska dekedaha ay maamuladaas kula kala saxiixatay Berbera, bosasso, iyo Kismaayo, waxeyna saddexdaas maamul goboleedyo ay danaheeda ugu bartilmaameysatay iyadoo ku ihaaneysay in shacabkeedu ay ka soo jeedaan Carab asalkoodu yahay xabash-Carbeedyo, waxeyna sidoo kale isku dayeen gobolada dhexe ilaa Xamar iney ka helaan qabqablayaal dagaal oo ku falaagooba dowladda Xamar, balse taas waa ay u suurtoobi weysey, waxeyna sidoo kale ay isku dayeen in musharax ay maalgeliyaan ay ku qabsadaan xukunka dowladda dhexe, taasna waa ku guuldareysteen, waxeyna sidoo kale ay isku dayeen iyagoo adeegsanaya saraakiisha kaararkoodu wejiyo badan yihiin iney dagaal ku kalifaan beel weynta degen Koofurta Muqdisho kadib markii sii xeeladeysan la isgu dayey in la dilo Janaraal Qeybdiid iyo Musharac Cabdiraxman Cbdishakuur, iyo weliba iyagoo ku guuleystey dilka Janaraal Galaal, balse tilaabooyinkaas ma aysan kicin beeshaas, lkn waxey ku guuleysatey in iskudayadii qorsheysnaa ee lagu qaaday Xasan Sheekh in lagu dilo ay ka dhalatay kacdoon halis badan wadatey oo ka kala curtay beelaha kala dega Dayniile iyo Koofurta Muqdisho, waxaase nasiib wanaag ahayd inuusan hanaqaadin kacdoonkaas oo uu dhaqso u qaboobey.

Dowladda Xasan sheekh oo ay sigaara Imaraadku isaga dhigaan iney saaxiibo dhow la yihiin ayaa waxey 2023 gacan ku hayntiisa ay klaa wareetey maamul goboleedka Juba oo askar maroodiga Axmed Madoobe oo ay maalgeliso ay ku dhiirogelisey iney la dagaalamaan ciidanka qaranka ee dowladda Soomaaliya, iyadoo si buuxda falaagadaas ula gashay heshiis buuxa oo ay kula wareegeyso dekeda Kismaayo, waxeyna sidoo kale ay maalgelin caalamiya ka dhex wadaa wadamada caalamka sidii ay u aqoonsan lahayeen maamulka falaagada ah ee Soomaaliland, waxeyna sidoo kale ay qabyaalad ahaan caalamka uga dhex wadaa in maamulada juba, Puntland, Soomaaliland ay ka heyb duwan yihiin dadka awooda badan ee xukunka dowladda dhexe inta badan haystaa, sidaasna ay ku qanciyaan shirkadaha u loolama hirgelinta siyaasadahooda iney caalamka ku qancinayaan in siyaasado isbabar socda lagula kala dhaqmo dowladda dhexe iyo saddexdaas maaml goboleed oo si buuxda uga xarig furtay Muqdisho, waxeyna madaxda Imaraadka ay kala hadleen dowladda Soomaaliya iney faraha kala baxdo arrimaha saddexdaas dowlad goboleed, sidaas oo ay tahay ayaa haddana waxaa caado u ah wadamada ay ku hayso faragelinta iney mar kasta balanqaado u sameyso madaxda xukunka joogta iney dib u soo noqoshadooda ku taageerayaan, balse taas bedelkeeda ay sameeyaan si ay u bedesho madaxdeeda xataa haddii ay aad isu dhow yihiin ama ay xilka keentay, waxaana tusaale kuugu filan madaxa Puntland oo ay rabtey xukunka iney afgembi uga tuurto, isagoo shaqsigaasu uu ahaa masharixii ay sida xoogga ah ugu maalgelisey doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee dhacday 2022.

Imaraadku waxey hadda si joogto ah ay gobolada waqooyi galbeed iyo waqooyi bari oo kala ah Somaliland iyo Puntland ay buurahooda ka bililiqeystaan macadanta qaaliga ah ee adduunka ku yar iyo xoolaha duurjoogta ah gabaabsiga ka sii ah waqooyiga Soomaaliya, waxeyna taas bedelkeeda ay imaraadku siiyaan maamuladaas fududeyn dhameystiran iyo maalgelin lacageed oo ay siyaan madaxda siyaasadda, dhaqanka, saraakiisha, iyo ganacsatada ay u marto laaluushida iyo kala qeybinta bulshooyinka maamuladaas si aan falalkooda ku saleysan qeybi oo xukun aan loogu fahmin ama aan danahooda looga soo horjeesan sida had iyo jeer ka dhacda Muqdisho. Waxaa sidaas si aan wax badan ka duwaneyn bilaabay Turkiga oo dowladda dhexe la galay heshiisyo qarsoodiya oo ku saabsan kheyraadka badaha Soomaaliya, wuxuuna sameeyey si uu xagsado danahiisa uu ku galay heshiiska inuu bilaabay inuu saameyn xooggan ku yeesha dhanka milateriga Soomaaliya iyo inuu saldhigyo milateri ka dhex sameysto Soomaaliya, kuwaas oo lagu macneynayo dugsiyo tababar, balse runtu tahay iney yihiin saldhigyo milateri oo uu ku ilaalsanayo danahiisa, waxeyna heshiisyadaas barbar socda oo ay ku xoojinayaan hubantidooda iney laaluushaan madaxda Soomaalida qaarkood oo ay wasiirada qaar ay ka dhigtaan saaxiibo dhow oo danahooda kala shaqeeynaya, kuwaas oo ay dowladda Soomaaliya ay ku cadaadineyso ineysan xilalkooda ka qaadin. Sidii roon rabaa oge walee meesha ay noo wadaan Ilaahey ha naga badbaadiyo sharteeda.


Dr. Saciid Ciise Maxamud (Sacim)
Maine, USA

Related posts

Madaxweyne Macron oo ka hadlay sida uu dareemay markii Dharbaaxada lagu dhuftay !

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo laashay dacwad ay ku soo oogtay Wasiir ka tirsan Jubbaland (Akhriso)

Caydiid Ali

Wasiirka difaaca Itoobiya oo si adag uga hor yimid qorshe uu wato Abiy Axmed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---