Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo qaabilay taliyaha Howlgalada gaarka ee Mareykanka (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel ED Norris iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku yimid magaaladda Boosaaso.

Kulanka ayaa looga hadlay amniga guud, gaar ahaan Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay Dowladda Maraykanka taageerada xagga cirka ah ee ay siiyeen hawlgalka argagixisada Daacish looga sifeynayo buuralayda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Maraykanku wuxuu boggaadiyay hawlgalka Puntland ku ciribtirayso argagixisada iyo guulaha waaweyn ee ay gaareen Ciidamada Puntland, waxaana Kulanka looga hadlay sidii loo sii xoojinlaha wadashaqeynta labada dhinac.

Related posts

Maxaa looga hadlay kulankii Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia? (Sawirro)

Caydiid Ali

Iska Caabinta Faragelinta Kenya ee Arimaha Gudaha Soomaaliya Maxaa Xigi Doona ?

Cabdi Cade

Wadahadal u bilowday Dowlada Somalia iyo madaxda Maamulka shirkadda Tiktok

Caydiid Ali
Taboola Ads ---