Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadda Saudi Aramco oo hal maalin khasaartay 90 bilyan oo dollar iyo Trump oo…

Qaar kamid ah shirkadaha caalamka kuwooda ugu waa weyn , ayaa khasaaro xooggan kala kulmay canshuur kordhintii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha mayalka adag ee dalka Mareykanka Donald Trump.

Shirkadda ugu weyn caalamka ee dhoofisa shidaalka ee Saudi Aramco, ayaa khasaartay 90 bilyan oo dollar , tan oo ka dhigan khasaarihii ugu sarreeyay ee argagax leh oo ay la kulmayso shirkadda shidaalka ee boqortooyadda Sacuudiga.

Khasaaraha ay shirkadan la kulantay ayaa timid, kaddib markii uu hoos u dhacay Axadda maanta suuqa saamiyada shidaalka, waxaana sabab looga dhigay canshuur kordhinta uu sameeyay Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Mareykanka Trump, ayaa canshuur kordhin dheeraad ah saaray wax soosaarka warshadaha caalamka, waxa ayna tallaabadaasi dhalisay dagaal ganacsi oo caalamka si weyn guud ahaan looga dareemay.

 

Related posts

Cali Guudlaawe oo Jowhar ka furay Mashruuc waxtar leh (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamad 66 jir Soomaali ah ku heshay inuu si arxan daro ah u dilay xaaskiisa

Caydiid Ali

Xalka dhibaatada ka jirta dalkeenna Soomaaliya oo la ogaaday (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---