Agaasimaha heyadda socdaalka iyo jinsiyadaha Mustaf Dhuxulow ayaa bilaabay isku day uu ku doonayo in xilka laga qaado nabadoonka beeshiisa Habar ceyno Maxamed Xassan Xaad ka dib khilaaf adag soo kala dhex galay.
Khilaafka labada nin ayaa salka ku haya kursiga HOP#049 ee doorashada sanadka soo socda ee 2026 kaasoo uu dhowaan baneeyey Mustaf Dhuxulow ka dib markii loo magacaabay agaasimaha heyadada socdaalka.
Kursigan ayaa sanadka ka dhiman muddo xileedka dowlada waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamed Cabdi Cali oo ah wiil uu dhalay ganacsatadaha Cabdi Cali Faarax oo saaxiib dhow la ah Mustaf Dhuxulow.
Agaasimaha ayaa doonaya inuu u tartamo kursigaas si uu ugu soo laabto doorashada 2026 ama uu geysto qof uu isagu wato si uu uga kacsado marka laga qaado xilka agaasimaha heyadda socdaalka & jinsiyadaha.
Hase ahaatee Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah saxiixaha kursiga HOP#049 ayaa arintaas ka hor yimid, isagoo Mustaf Dhuxulow u sheegay in kursigaas faraha kala baxo arrimihiisa maadaama uu ku fadhiyey muddo 20 sano ah si fursad loo siiyo siyaasiyiinta kale ee beesha.
Dhuxulow oo arintaas ka carooday ayaa bilaabay qorsheyaal lagu bedelayo Nabadoon Xaad si uu meesha u keensado Nabadoon uu isagu wato si uu ugu fududeeyo doorashada 2026 in kursiga HOP#049 uusan gacantiisa ka bixin.
Hase ahaatee Nabadoon Xaad oo ah oday dhaqameed sumcad ku leh beeshiisa ayaa waxaa Mustaf Dhuxulow ku adkaan doonta isku dayga uu ku doonayo inuu xilka kaga qaadayo taasoo ka dhigan mugdi soo galay mustaqbalka siyaasadeed ee Mustaf Dhuxulow marka laga qaado agaasimaha heyada socdaalka iyo Jinsiayadaha, uuna waayo kursiga HOP#049.
U